Home » Race 3 » SRK iyo Salman Khan muuqaalka ay filimka Zero ku wadaagayaan goos goos laga sameeyay ayaa Race 3 lagu dhex daawan doonaa

SRK iyo Salman Khan muuqaalka ay filimka Zero ku wadaagayaan goos goos laga sameeyay ayaa Race 3 lagu dhex daawan doonaa

Filimka weyn Race 3 jimcadaan tiyaatarada la saarayo waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan waxaana lagu dhex daawan doonaa sedex filim goos goosyadooda oo kala ah Zero, Yamla Pagla Deewane 3 iyoLoveratri oo ah filimka Ayush Sharma oo Salman seedigiis ah lagu soo caan bixinaayo.

SRK filimkiisa Zero waxaa la daawan doonaa 21 Dec 2018 balse King Khan wuxuu doonayaa in Ciidul Fitrigaan uu taageerayaashiisa tiyaatarada kula dabaal dago asigoo muuqaal kooban la wadaagi doono.

Waxaa la sheegay goos gooska koobakn filimka Zero inuu ka kooban yahay 1-daqiiqo iyo 15-ilbiriqsi waxaana la sheegay inuu ku bilaaban doono Salman oo ku dhex jiro Riingaha feerka kadibna SRK u imaanayo oo danka ka dhunkanaayo kadiba Katrina Kaif ayaa goobta kula soo biireyso Dance yar ayay ku tuuranayaan waxayna sidoo kale dhahayaan “Ciid Mubaraak”.

Salman Khan ayaa filimka Zero muuqaal marti ah ku leh sidoo kalena SRK hal hees la duubay oo qaybaha dambe sanadkan la soo bandhigi doono.

Waxaa siweyn loo wada sugayaa SRK filimkiisa Zero oo uu cilinka ku jilaayo waana filim dhan walbo ka diyaarsan oo siweyn loogu kalsoon yahay sanadkaan dhamaadkiisa inuu Boxoffice-ka gil gili doono.