Waxaa jiraan atoorayaal iyo atiriishooyon badan oo shaashada bandhigooda heer sare ahaa qaab jiliinkooda iyo jaceylke shaashada kujileen laga wada helay misane daawadayaasha qaar isla jeclaadeen inee is guursadaan.

Hadaba maqaalkaan waxaan kusoo bandhigeenaa lamaanayaasha aan nolosha dhabta ah is calfanin wax xiriir jaceylna dhexmarin balse la isla jeclaaday inee is guursadaan kadib bandhigooda shaashada oo laga wada helay fadlan hoos kaga bogo liiska jilayaashan.

Shah Rukh Khan iyo Kajol: Waa lamaanihii ugu fiicnaa abid shaashada wadaageen ee hindiya kasoo jeedaan waxay ka fiicnaadeen kuwii iyaga ka horeyeen iyo kuwa ka dambeyaan sida SRK iyo Kajol loo hadal qaaday majiro lamaane loo hadal qaaday.

Dhowr Filimo jaceyl ah ayee wada jileen misane dunida kaga yaabsadeen walogood xiriir jaceyl ma dhexmarin saaxiibo ayee ahaan jireen ilaa hadana yihiin balse taageerayaashooda iyo daawadayaasha kale waxay isla jeclaan jireen inee is guursadaan taasina macquul ma noqonin.

Govinda iyo Karisma Kapoor: waa run in la isku xantay oo waloba been abuur weyn laga sameeyay heer la dhaho waxay wadaageen xiriir gogoleed taasina xaqiiq ma ahan ee waa xan weyn oo laga qoray waxaase xaqiiq ah inee saaxiibo ahaan jireen waligood Filimo badan ayee isla sameyeen sida Coolie No.1, Hero No.1 iyo kuwa kale guurkooda ayaa la isla rabay taasina macquul ma noqon oo Govinda xaaslu ahaa waqtigaa.

Aamir Khan iyo Juhi Chawla: waligood xiriir jaceyl ma dhexmarin balse waa la isla jeclaaday inee is guursadaan ayaana la rabooday waxaana ugu wacan Filimadii heerka sare ahaayen ee ay wada sameyeen sida QSQT, Ishq iyo kuwa kale suurto gal ma noqon inee isguursadaan xitaa xiriir wadaagaan laakiin saaxiibo ayee ahaan jireen.

Salman Khan iyo Madhuri Dixit: bilawgii 90-maadkii aflaam dhowr ah ayee wada sameyeen waxaana la isdhihi jiray kuwan lamaane dhab ah ayee noqon doonaan laakiin ma dhicin taageerayaashooda guur ayee la damceen balse iyagu saaxiibo kaliya ayee ahaayen aflaam Classic ahna wey isla sameyeen oon la ilaawi doonin.

Anil Kapoor iyo Sridevi: waa xiriir aan suurtogal noqonin oo daawadayaasha uun iska niyeesteen xitaa guurkooda ayee hadal qaadeen laakiin Anil iyo Sri marwalba shaqo wadaag kaliya ayee ahaayen taas bedelkeed Anil walaalkiis Boney Kapoor ayaa xiligaas jeclaa Sridevi marka Anil aktiisa dumaashi ayee ka ahed Sridevi.

Shahid Kapoor iyo Amrita Rao: qof walba oo daawaday Filimadooda Ishq Vishk iyo Vivaah ayaa ka helah bandhigooda iyo sidee jaceylka ujileen mar waxaa jirtay xiriir inuu ka dhaxeyo la isku xanto balse saaxiib ma dhaafsiisneen xiriirkooda guurkoodana macquul ma ahen waayo xiligaa Shahid waxuu daba socday Kareena Kapoor.

Lasoco Qeybta Labaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here