Shah Rukh Khan waa nin maqaam sare oo xidigaha kale aysan gaari karin ka gaaray fanka Hindiya waana shaqsi ay Hindida iyo dadyooga kaleba ugu yeeraan boqorka Bollywoodka.

Kaliya Super Star nimadiida gudaha india kuma eka sido kale daafaha caalamka waa xidig in badan laga jecelyahay.

Hadaba SRK jaceylka looqabo heer waxay gaartay in kuwa filimada sameyaan (Directors) ay magaciisa kusoo lifaaqan ama kusoo qaadaan aflaam uusan kujirin sido kalena wax shuqul ah uusan kulahen.

Dhowr jeer ayee dhacday arinkaan inkasto kaligiis ahen oo xidigo badan ay jiraan kuwaaso marar badan magacyadooda aflaam kale lagu dhex qaaday ama lagu dhawaaqay tusaale ahaan atiriishada filim ay kujirto ayee waxay kadhex leedahay “Aniga waxaan taagera Super Star Shah Rukh Khan” arinkaas wax kale ma ahan aanan ka ahen in isaga lagu maamuusaayo.

Hadaba Hoos Kaga Bogo Aflaamta King Khan Magaciisa Lagu Xusay:

Andaz Apna Apna (1994)

Hadii aad daawatay filimka Andas Apna Apna waad xasuusan doonta marka Aamir Khan la joogo juhi Chawla sido kalena ayhalmar ku dhawaaqeyso magaca Shah Rukh Khan.

Filimka Andaz Apna Apna waxaa wada jileen Aamir Khan, Salman Khan, Karisma Kapoor iyo Raveena Tandon waana filim madadaalo ah sidaa darted waxaa filimkaan muuqaal marti ah kuleh atiriishada xiligaas awooda badned ee Juhi Chawla.

Juhi waxay filimaan muuqalada martida ah ay kuledahay la wadaage saaxiibked Aamir Khan hadaba xili uu Aamir la haasaawayo juhi ayee Juhi soo xasuusane wiil ay jecled wiilkaasna waa SRK waxayna leedahay “waxaan sugaya Shah Rukh Khan halkaana wuu imaanaya sidaan filaayo.”

Aamir halmar ayuu niyada ka jabaa maadama gabadhii uu isgaad gaadka kuhayey ay SRK mesha magaciisa keentay xiligaas kudhow ayee Juhi SRK lasameysay filimka Darr.

Bachnaa Ae Haseeno (2008)

mid kamid ah aflaamta jaceylka ay Bollywoodka sameyeen Bachna Ae Haseeno waa filim ka hadlaayo wiil iska dhalinyar ah kaaso noloshiisa ay soomarayaan sedex gabdho xiliyo kala duwan sedexdoodana ay jaceyl dhab ay u qaadayaan balse asiga jaceyl kama heeso ee hawadiisa iyo iska baashaal unbuu kujiraa.

Hadaba gabdhahaas filimka atiriishoyinka ka ah waxay kala yihiin Deepika Padukone, Bipasha Basu iyo Manissha Lamba.

gabadha ugu horeysay oo ay Ranbir kulmayaan waa Minissha Lamba waxayna ku kulmayaan dalxiis ayagoo kusugan Switzerland waxaana Ranbir filimkaan loogu yeera magaca Raj Sharma.

Hadaba gabdhahan sedex waqti ee kala duwan uu la kulmaayo waa waqtiyo kala fog minissha Lamba wuxuu la kulma sida sheekada filimka lagujilaayo 90 maadki.

sidaan wada ognahay 1995 SRK filimkiisa DDLJ ayaa la daawaday waxaana SRK filimkaas loogu yeera magaca Raj, sidaa awged waxaa laga wadaa Minissha lamba waxay taagero u tahay Raj oo ah SRK waxayna jeceshahay music kada caanka ah ee filimkaas kujirto taaso uu SRK xili walba kataarka ku garaacayo waana Music kada heeska ‘Tujhe Deka Tune Jaana Saman.’

Sidaa awged Ranbir wuxuu garaaca isla music kadaas noocaas ah maadama uu ogaanayo gabadhan in ay jeceshahay Raj (SRK).

markale ayaa magaca SRK iyo howlihisa wax lagu garan karo ah lagu soo bandhigay filimkaan.

Qofkii daawaday filimka Bachna Ae Haseeno ayaa fahmi karo shekadan sido kalena yaqiin unoqoneysa.

Lasoco Qeybta Xigta Sheekadan Taxanaha Ah (SRK Inta Filim Ee Magaciisa Lagu Xusay Iyo Hogaamiysha Filimka Dareenkoda) 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here