Waxaan horey idin kula wadaagnay Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan inuu sameenayo filim Action, jaceyl iyo mada daalo dhameestiran isku jiro ah oo ay shirkada Yash Raj Films iska leedahay halka Ali Abbas Zafar Director ka noqonaayo.

Taageerayaasha SRK ayaa aad ugu farxeen in Superstar-kooda mudo 9-bilood kadib mashruuc weyn saxiixday weliba waxaa la sheegay in filimkan loogu dabaal dagayo sanad guurada 50-aad ee shirkada Yash Raj Films sidoo kalena aysan jirin maamuuska jirkan qof ka mudan SRK.

Balse nasiib dark King Khan ayaa beeniyay wararka in Director Ali Abbas Zafar filimkiisa xiga inuu sameenayo wuxuuna sheegay weli mashruuc uu si rasmi ah u saxiixday inuusan jirin dhawaana shaaca ka qaadi doono filimkiisa xiga macluumaad ku aadan laakiin hadda aysan jirin filim u shirkada YRF u sameenayo.

SRK filimkiisii ugu dambeeyay Zero oo dabyaaqadii sanadka hore soo baxay markii uu Flop ka noqday ilaa haatan wax filim ah ma uusan saxiixanin wuxuuna taxadar badan ka muujinayaa mashruuca xiga ee ku haboon inuu kusoo rogaal celiyo inkastoo arin nagu cusub tahay in SRK mudo 9-bilood ah wax filim ah saxiixanin habanti ahaana 2019 inta ka harsan filim uma soo baxaayo sidoo kale xitaa waxaa la hubin in 2020 uu Superstar-kan filim la imaan doono marka haddii filimka Ali Abbas Zafar iyo shirkada YRF ugu tala galeen iska diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here