Shah Rukh Khan ayaa bartiisa Twitter-ka kula sheekeystay taageerayaashiisa isaga ayaana fursad siiyay inee suaalo weydiyaan kadibna kumanaan kun suaalo ah ayee weydiyeen waxaase nasiib u yeeshteen qaar yar oo uu suaalahooda kaga jawaabay.

Hadaba suaalaha kooban ee uu SRK ka jawaabay ayaan soo qaadanay misane ay Twitterka ku weydiyeen taageerayaashiisa hoos kaga bogo:

Mudane ilaa intee qarash ah ayaa u baahnaan karaa hadii aan doonaayo inaan kireysto gurigaada Mannat qol kamid ah?

SRK: waxaad u baahantahay 30 sano shaqo adag ah inaa soo qabato.

Hadii aadan caan ahaan lahen maxaa shaqo ah oo aad qaban laheed?

SRK:Caanimada shaqo ma ahan, ee qofka waxuu ka shaqeyo waxay soo saartp badeeco ah ama miro dhal ah ayuu mararka qaar ku caan baxaa marka ana waxaan qaban lahaa shaqooyinka caadiga ah ee aan guriga ka qabto hader mararka qaar hadii aan atoore Filimada sameeyo ahaan laheen.

Mudane xan badan ayaa laga qoray Filimkaada xiga waxaan jeclaan lahaa inaad adiga hader shaaca ka qaado Filimkaada xiga?

SRK: wax walbo waqti ayee leeyihiin waana ku dhawaaqi doonaa marka waqtigeeda la gaaro.

Shah Rukh Khan’s savage reply to a fan, who enquired about the rental cost of a room in Mannat, is winning the internet

Qorshahaada 10-ka sano soo socdo maxuu yahay (2020-2029)?

SRK: waxaan qorsheeyay Filimo dhaxal gal ah oona ka fiican kuwii aan horey usameeyay oodhan 10-kan sano inaan sameeyo.

Waxaan jeclaan lahaa inaan talladaada qaato maadama taageero ku ahay maadada Chemistry-ga wax tallo ah igasii.

SRK ayaana markaa Mention dhahay Sushmita Sen isagoo raaciyay hadalka ah,”waa macalimadeyda Chemistry-ga ee Filimka Main Hoon Naa marka iyada si toos ah ula xiriir tallooyin fiican waad ka helee.”

Waxaan la da’ahay Suhana Khan marka maxaa iigula talin laheed nolosha iga horeysa?

SRK: waligaa qpf khaldan haku dayan oo sidiisa oo kale ha iska dhigon inta kaharsan safarkaada nolosha sababto ah ku qanac waxaa tahay ileen waxaa tahay iyo waxaad heysato ayaa ku qurux badan tahay.

Sidee ku awooday inaad codkaada ku bed bedesho ileen Filimadaada hal cod kuma codeysid waa codad kala nooc ah sidee kuugu sahlanaatay midaas?

SRK: waa suaal muhiim ah, marwalba dadaalka ugu fiican ayaa iskudayaa hadana marwalba kuma guuleysto kala bedelka codkaadana waa farsamo la barto loona baahanyahay inaad xakameyso waana wax la barto waliba si dhib badan.

Riteish Deshmukh ayaa kamkd ahaa dadkii SRK suaalaha Twitter-ka kuweydiiyay waxuuna yiri Riteish,”maxaad cashir ah oo aad ka baratay wiilkaada Abram?

SRK: waxaan ka bartay marwalba oo aad murugeysantahay, xanaaqsantahay, ama aad ooyneyso in dariiwa ku farxeysid uu yahay ciyaarista Game-ka.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here