King Khan oo door labo waji ah shaashada ku jilaayo waxaa ugu dambesay filimkii FAN ee 2016 la daawaday balse mashruucaas wuu fashilmay jilaagan ayaana doonaya markale inuu tijaabiyo doorarka labo waji.

Wararka kasoo baxayaan Mumbai Mirror waxay sheegayaa in SRK labo waji ku jili doono Fiimka xiga ee agaasime Atlee waana mashruuc dagaal ah labada door ayeena sheekada ku xeendaabantahay Khan ayaa mid kamid ah doorarkaas ku jili doono askari sargaal katirsan madaxda ugu sareysa uguna qatarsan qeybta dambi baarista hindiya.

Doorka labaadna waxuu ku jili doonaa nin burcad ah oo dowlada hindiya mudo dheer baadi goobeysa hadaba labada door waa kuwa lid isku ah in badana uu dagaal dhex mari doono inaba caadi ma ahan mashruucan Director Atlee waxuu aad u jecel yahay inuu sameeyo aflaam labo waji ama seddex waji ah waxaana xasuusana Filimkii Vijay ee Mersal iyo waliba Bigil.

Dhanka kale SRK waxuu kaloo sameeyn doonaa YRFs Filimkooda Pathan ee Deepika Padukone la jileyso waxaana agaasimaayo Sidharth Anand waxuu kaloo wada hadal kula jiraa Raj iyo DK oo ay kawada heshiinayaan filim dagaal iyo qiyaano isku dhexjiro ah.

Warar kale ayaa sheegayaan in Khan uu sameeyn doono Raj Kumar Hirani Filimkiisa xiga oo ay la hogaamin doonto Taapsee Pannu marka taageerayaasha Khan markaan mashaariic xiiso leh ayuu usoo wadaa xidigooda.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here