Marka hore dooqa daawadayaasha hindiga wuu is bedelay bartamihii 90-maadkii ilaa bilawgii qarnigaan waxaana 2000 ilaa 2003 inta u dhaxeysay la sameeyay tiyaataro lagu kala qaadaayo dooqa dad weynaha.

Multiplex tiyaatarada la dhaho waxaa loo sameeyay dadka magaalooyinka waaweyn dagan waana tiyaatarada ugu daqliga badan halka Single Screens-ka magaalooyinka fog fog iyo tuulooyinka dadka dagan loogu talo galay hadaba maxaa kalifay in sidaa loo kala qaad qaado. Shah Rukh Khan waa ninka ugu horeeyo ee sababtaan iska leh aan dib u noqono xaalkii Bollywoodka bari samaadkii iyo dooqa daawadayaasha:

Bartamihii 70-kii Bollywoodka waxaa Filimada dagaalka ah ku qabsadeen Dharmendra iyo Amitabh Bachchan dadkiina waxay jeclaadeen daawashada Action Movies atoore walba oo isku dayo inuu hogaanka ku qabsado Filimada jaceylka sameeyntooda wuu ku guul dareesan jiray sida Rishi Kapoor, Kumar Gruv, Jeetendra iyo Ragg kale halka Big B iyo Dharam howshooda iska wateen awooda meeshana iska heesteen.

80-maadkii dhalinyaro badan ayaa lasoo kiciyay oo filimada dagaalka ah sameeyntooda bilaawen iyagoo ku dayanayaan macalimiintooda Big B iyo Dharam, dhalinyaradaas waxaa kamid ahaayen Sunny Deol, Anil Kapoor, Jackie Shroff, Naseeruddin Shah, Nana Patekar, Sanjay Dutt iyo kuwa kale, wiilashan waji atoore dagaal sameeyo ayee meesha la yimaaden aflaamtas ayeena sameeyn jireen sababto ah dooqa dad weynaha ahaa sidaa ahaa.

Dhamaadkii 80-kii wiilal cusub ayaa la bartay oo iyaga diideen qori inee qaatan dagaalna galaan waxay daawadayaasha ula yimaadeen aflaam jaceyl ah wiilashaas waxaa ugu horeyeen Aamir Khan iyo Salman Khan run ahaantii markoo hore labadan xidig soo dhaweyn weyn ayaa loo sameeyay balse sanadihii xigay wey banjareen.

Waxaa la isku raacay inee mari doonaan wadadii ay horey u mareen Rishi Kapoor iyo Kumar Gruv oo jaceyl wax ku keeni waayen waxaana la iska sii watay daawashada dagaalka ah ilaa bilawgii 90-kii xiligaasna waxaa hogaanka Bollywoodka hayeu Sunny Deol oo Action Hero ahaa.

SRK oo isbaaro u dhigtay Sunny Deo daawadayaashana awood kula wareegay:

Waxaa soo baxay wiil cusub oo waji jaceyl halmar cirka ku galay waxuu daawadayaasha hindiga ah ku kalifay SRK inee jeclaadaan aflaamta jaceylka ah Aamir iyo Salman ayuu qadaadka dhirbaaxo ku dhuftay halka Sunnu Deol isbaaro loo dhigtay.

SRK markuu DDJ sameeyay waxuu noqday Romance Hero waxaana la isku raacay Rajesh Khanna kadib inuu yahay atooraha fanka hindiya awood ku qabsan doono asoo waji jaceyl wata ama aflaam jaceyl sameynaayo.

Raggi Filimada dagaalka ah sameeyn jireen ee kagu yaaci jiray uuna Sunnh Deol u horeeyay suuq la’aan ayaa ku dhacday daawadayaasha hindiga ah SRK ayee ku yaaceen waxuu bedelay quluubtooda daawashada aflaamta jaceylka ah ayuu dadka jacleysiiyay markii horena waa la necbanaa waxaana marak iyo marqaati ka ah sida SRK Big Hits oga dhigay aflaam jaceyl ah isaga hortiisna atoorayaal badan xitaa Hit dhameestiran oga dhigi waayeen.

Aamir iyo Salman waxay iyagana joogteyeen sameynta Filimada jaceylka ah inkastoo xaalla ku xumaa markii hore hadana SRK oo gadaal ka yimid ayee inee la xifaaltamaan bilaawen ilaa ay ka noqdeen Three Khans oo Filimada jaceylka ah dadka ku qabsadeen. Waa run Aamir iyo Salman inee SRK kahor filimo jacel Big Hits ah sameyeen laakiin xaalkaa ku xumaa oo sanado ayee hoos udhaceen magacoodana cirka uma galin sida SRK oo kale sido kalena wuu ka awood badnaa kana shacbiyad badnaa.

Hadaba Shah Rukh Khan waxuu noqday boqorkii Bollywoodka hogaanka fanka hindiya ku qabsaday sameeynta Filimada jaceylka ah ama Romance Hero waxuuna ka hadli jiray ints badan nolosha gaarka ah iyo arimaha qoyska ilaa 2009 ayuu kursiga ku fadhiyay dadkana wada jeclaadeen si fudud.

Sidaa aawged tiyaatarada daqliga ugu badan laga helo SRK ayaa la wareegay Aamir iyo Salman-na wey kusoo xigeen waxaa la waayey atoore kusoo caan baxa Filim dagaal ah atoorayaashii bikawgii qarnigaan ikaa dhamaadkii 90-kii soo caan baxeen waji jaceyl ayee la yimaaden. Sida Farden Khan, Aftab, Tusshar Kapoor, Riteish, Hrithik Roshan, Shahid Kapoor, Abhishek Bachchan sababtana waxay ahed in xiligaas lagu waalna Filimada jaceylka ah sameeyntooda oo uu SRK horey usoo baray daawadayaasha.

Lasoco Qeybta Xigta Salman Khan Oo Ku Joog-Joogsaday SRK iyo Xulufadiisa Dadkana Far Iyo Suul Inuu Ugu Waco Bilaaway:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here