Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa muuqaal cusub iyo dhalaal cusub lasoo baxay markuu 54 jir noqday maba loo maleeyo inuu oday noqday hada iyo kow ayuu dhalinyaro iska dhigayaa xidigaan sawirkiisa u dambeyayna Internet-ka ayuu gil gilay kadib muuqaal soo jiidasho leh oo uu lasoo baxay.

Waxuu sawiro la galay gabadha heesaaga ama fanaanada caanka ah ee Dua Lipa taaso sido kale ah Model yaqaan caan ah waxay ku sugned India halkaas bandhig faneed ku laheed waxayna la kulantay Bollywood King Khan goobtana sawiro kuwada galeen.

Khan ayaa Twitter-kiisa soo dhigay sawirada waxuuna soo raaciyay qoraal ah,”maxay soo jiidasho leedahay waa gabadha quruxda badan Dua Lipa codka macaana leh nasiib wacan ayaa ku leeyahay bandhigada caawa.”

Shah Rukh Khan meets Dua Lipa in Mumbai; Shares a picture

Khan ayaa sido kale u raaciyay inee in badan ka taxadirto talaabooyinka Dance-ga ah ee uu baray kahor inta aysan masraxa korin dhanka kale sawirada Facebook-giisa xitaa wuu soo dhigay taageerayaashiisa ayaana meel walbe kusii share gareyeen.

Waxaa xusid mudan in falcelinta laga bixiyay sawiradan dumar SRK taageeraan u badnaayeen waxaadna moodaa ine dhibsadeen sawiradan uu SRK la galay gabadhaan soo jiidashada leh.

Dhanka shaqada Khan wali si rasmi ah uguma dhawaaqin Filimkiisa xiga ee uu 2020 la imaan doono waase Filim weyn oo uu soo laabasho aan caadi aheyn ku sameyn doono waxuuse muuqaal marti ah ku leeyahay Filimka Laal Singh Chaddha ee Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay sido kalena Salman Khan inuu muuqaal marti ah ku lahaado ayaa la filaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here