Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa wali lasugayaa inuu soo laabasho weyn sameeyo maadama shaqada ugu dambeysay 2018 iyo filimkiisa ZERO kaaso ka guul dareystay hadab xidigaan waxuu rabaa inuu mashruucisa xiga labo waji kujilo sida warar xan ah sheegayaan.

Director Atlee ayaa Khan u diyaariyay sheeko xiiso leh sida wararka sheegayaan waxuuna SRK Filimka ku jili doonaa labo waji oo kala ah aabo askari ah oo ceyrsanaayo wiilkiisa oo dambiile ah labadaas doorna isla SRK ayaa sameeyn doono.

Hadaba maxaa kala qabsan doono SRK oo oday askari ah iyo wiilkiisa oo dambiile ah isla SRK kale ah waa mashruuc xiiso leh marka kowaad waxaa nala tusaa Khan oo markii ugu horeysay labiska ciidanka Booliska xiran doono iyo aflaamta Action-ka oo uu SRK kusoo noqday mudo dheer kadib.

Waxaa horey sidaan usameeyay Superstar Mithun Chakraborty iyo Filimkii Swarg Yahan Narak Yahan ee la daawaday 1991 waxuuna kujilay aabo askari ah (Mithun) oo ceyrsanaayo wiilkiisa oo dambiile ah (Mithun) tani waxay ka dhigantahay SRK wadadii Mithun inuu qaaday waayo fariinta waa looga horeeyay balse aan aragno guusha uu gaarsiiyo iyo jiliinkiisa heerka sar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here