SRK oo la ogaaday 45% faa’iidada filimka Pathan inuu qaadan doono.

0
300

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan maalmo ka hor wuxuu si rasmi ah duubis ugu bilaabay filimka uu kusoo rogaal celinayo Pathan waxaana soo saare ka ah shirkada fanka Hindiya ugu weyn Yash Raj Films (YRF) halka Siddharth Anand uu Director ka yahay kaasi oo sanadkii hore Bollywood-ka ku qabsaday filimkiisii War ee Blockbuster-ka weyn noqday hogaamiyaalna ka ahaayeen Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff.

Shabakada Bollywood Hungama waxay ogaatay in SRK lacag hormaris ah ka qaadaneyn shirkada YRF wuxuuna la gaaray heshiis faa’iido wadaag ah in 45% uu qaato faa’idada mashruuca Pathan laga helo waxayna heshiiskan wada gaareen Aditya Chopra oo madax u ah shirkada YRF sidoo kalena shirkadan xiriir dhow ayaa kala dhaxeeyo madaama uu u sameeyay filimo Classic ah sida Dar, DDLJ, Dil To Pagal Hai, Mohabbatein, Veer Zaara, Rabne Bana De Jodi, Jab Tak Hia Jaan iyo kuwo kale.

Tusaale ahaan haddii filimka Pathan laga helo faa’iido 100 Crore ah SRK wuxuu qaadan doonaa 45 Crore, sidoo kulamaa faa’iidada sii badato lacagaha SRK heli doono wey sii badan doontaa qorshahana wuxuu yahay in filimkan la daawado Diwali 2021 ama dabyaaqada sanadka dambe waana filim miisaaneyd weyn xambaarsan.

Filimka Pathan waxaa door awood badan ku leh oo laadar matali doono John Abraham oo la ogaaday in 20 Crore ($3m) sidoo kale Deepika Padukone iyadana filimkan atirisho kowaad ka ah waxay sameyntiisa ku qaadaneysaa 15 Crore ($2.5m) waxaana la rajeynaa in filimkan duubistiisa soo idlaato bisha Maarso ee sanadka dambe 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here