Bollywood King Khan Aka Shah Rukhan tan iyo sanadii 2018 markii filimkiisii Zero Flop ka noqday wax filim ah ma uusan la imaanin sidoo kalena mashruuc uu si rasmi ah u saxiixday oo uu hogaamiye ka yahay lama ogo, laakiin marwalbo aqbaaradkiisa dhamaad malahan.

SRK marka laga soo tago inuusan saxiixanin filim uu hogaamiye ka yahay haddane wuxuu kasoo muuqanayaa labo filim oo uu muuqaalo marti ah ku leeyahay waxayna kala yihiin Director Ayan Mukerji filimkiisa Brahmastra ee Ranbir Kapoor, Amitabh Bachchan iyo Alia Bhatt hogaamiyaal ka yihiin iyo R Madhavan filimkiisa Rocketry.

Waxaan horey idin kula wadaagnay in Brahmastra SRK ku jilaayo seynis yahay haatana waxaa la ogaaday R Madhavan filimka uu hogaamiye ka yahay Rocketry SRK ku jilaayo door joornaaliste ah oo sheekadan u muhiim ah wuxuuna wareesan doonaa R Madhavan oo filimkan ku matalaayo nolosha cirbixiyeen Hindiya ku weynaa Nambi Narayanan.

Haddii aan usoo laabano SRK arimaha shaqadiisa ku aadan waxaa la isla dhex maraa xan ahaan inuu la shaqeyn doono labada filim sameeye awooda badan Rajkumar Hirani iyo Atlee asigoo mashaariic waa weyn u sameyn doono balse weli si rasmi ah aflaantan uma saxiixanin ayadoo la rajeenayo dhawaan inuu ku dhawaaqo soo laabashadiisa la wada sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here