Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa dhawaanahan ku sugnaa magaalada Dubai asigoo halkaas ku duubayo filimka weyn ee uu kusoo rogaal celinaayo Pathan waxaana la jileyso Deepika Padukone halka John Abraham laadar awood badan ka yahay filimkan arimaha sirdoonka iyo dambi baarista ka hadlaayo sidoo kalena miisaaniyad xoogan xambaarsan.

Haatan waxaa banaanka lasoo dhigay in SRK ficilo Action halis ah ku sameenayo daarta caanka ah ee dhirirka badan Burj Khalifa ee ku taalo magaalada Dubai weliba fooqeeda sare wuxuuna SRK sameenayaa ficilo uu daartan ku sameeyay Tom Cruise markii uu sameenayay filimkiisii Mission Impossible: Ghost Protocol halkaas ku jilaayay mid la mid ah.

Director Sidharth Anand ayaa u mahad celiyay qolyaha gurmadka deg dega ah iyo ilaalada daarta Burj Khalifa qaabilsan madaama ay si qurux badan ula shaqeenayeen ayadoo halkaas Action-mo is bur bursi ah iyo kuwo xargo la adeegsanayo oo dabaqa dheer looga soo dagaayo sameenayaan SRK iyo kooxda filimka Pathan waxaana ku baxaayo sameynta ficiladan halista ah qarash fara badan madaama filimkan si caalami ah loo sameenayo.

Filimka Pathan waxaa maal galineyso shirkada Yash Raj Films oo balan qaaday SRK filimka uu kusoo laabanayo si caalami ah loo sameenayo kalsooni balaarana ku qabaan mashruucan dabyaaqada sanadkan ama horaanta sanadka soo baxaayo inuu tiyaatarada gil gilo waxaana agaasimayo Sidharth Anand oo ku caan baxay filimkii War 2019 Blockbuster weyn noqday Hrithik iyo Tiger ku xifaaltameen markaana Pathan waxaa isku qaban doonaan SRK iyo John Abraham oo aan waxba isku reeban doonin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here