Bollywood King Khan sidii uu kaga guul dareestay Filimkii Zero shaashadaha waa laga waayey waxuuna ku dhawaaqay si kumeel gaar ah inuu Bollywood iyo shaqadiisa oga nasanaayo xidigaan balse nasiinadii wey fogaatay taageerayaashiisana wey caajiseen sidee u sugayeen.

Waxuu sheegay intuu nasanaayo ee uu fasaxa ku maqan yahay inuu xulan doono ama dooqan doono filimadiisa xigaan ee uu sameeyn lahaa maadama keyd dhan oo Filimo badan ah meel.u yaalaan kuwaaso Filimsameyaal kala duwan usoo bandhigeen hada waxay u muuqataa inuu seddex Filim kala dhex baxay mashaariicdaas.

Midka kowaad waa Director Atlee Filim uu iska leeyahay oo warar xan ah sheegen inuu SRK deg deg ku duubi doono, midka labaad waa Rajkumar Hirani Filim uu leeyahay halka midka seddexaad uu yahay Ali Abbas Zafar Filim uu leeyahay oo dagaal ah.

Inkastoo wali uusan xidigaan ku dhawaaqin Filimka uu duubis ku bilaawaayo hadana wuxu ka helay sedexdaas Filim sheekadooda sida la sheegay waana seddex Filim kala daran midka Rajkumar Hirani waxuu duubis ku bilaawi doonaa April 2020 sida wararka sheegen kahor fursad ma helo karo ayuu yiri.

Rajkumar Hirani waligiis waxuu rabay inuu SRK la shaqeyo waxuuna usoo bandhigay hada kahor Filimka Munna Bhai SRK wuu ka cudur daartay hadana 3 Idiots ayuu usoo bandhigay markale SRK wuu ka cudur daartay.

laakiin markaan wuu aqbalay inuu sameeyo Filim Hirani iska leeyahay All Time Blockbuster inuu noqdo xitaa waa macquul sababto ah Director-kan waa halis awoodisa wato Filim uu la yimaado waligiis Semi Hit xitaa ma noqon waa Filimsameye qibradiisa aan loo dhowaan karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here