Tan iyo markii Abhay Deol arin xasaasi ah uu ka hadlay banaankana soo dhigay labo wajiilenimada reer Hindiya oo ku aadan badankooda inay midibka maddowga neceb yihiin haddana u doodayaan dadka maddowga ah inay cadaalad helaan waxaa culeeska lasoo saaray inta badan jilaayaasha Bollywood-ka.

Waxaan wada ognahay baraha bulshada inay ka jiraan dhaq dhaqaaq xoogan oo lagu taageerayo ninkii maddowga Ameerikaanka ahaa Goerge Floyd ee booliska gacantooda ku baxay si sharci daro ah waxaana baraha bulshada ka socdo kacdoon loogu magac daray Black Lives Matters Movement.

Waxaa kacdoonkan siweyn u taageereen kuwa Bollywood-ka ugu awooda badan sida Shah Rukh Khan, riyanka Chopra, Kareena Kapoor Khan, Deepika Padukone, Ileana D’cruz, Disha Patani, Tiger Shroff, Ishaan Khatter, Karan Johar iyo kuwo kale balse dhamaan shaqsiyaadkan weerar culus ayaa lagu qaaday waxaana loo sheegay inay is waafajiyaan ficiladooda iyo fikirkooda madaama ay aad u kala duwan yihiin.

Dhamaan jilaayaasha sare ku xusan waxay ka siman yihiin inay xayeysiin u sameeyaan shirkadaha soo saaraan daawooyinka ama kareemka la isku cadeeyo oo midibka maddowga ah lagu badalo sidaa darteed dadka waxay ku doodayaan inaysan is qaadan karin jilaayaal neceb midibka maddowga ah haddane inay u doodaan xaqa ka maqan dadka maddowga ah!

Sidoo kale jilaayaashan waxaa lagu heestaa marnaba inaysan ka hadlin muhaajiriinta gudaha Hindiya lagu dhibaateeyo ee qolyaha xuquuqul insaanka u doodo maalin walbo baraha bulshada ka hadlaan. Sidaa darteed jilaayaan baraha bulshada iyo inta badan shabakadaha Hindiya ugu afka dheer ayaa ku dhagan waxaana lagu heestaa in hawo raac noqdeen oo ay iska taageereen waxa baraha bulshada ka jiro laakiin xaqiiqo ahaan ay yihiin kuwo neceb maddowga sidoo kalena aan garab siinin dadka muhaajiriinta ah ee gudaha Hindiya lagu dhibaateeyo.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here