SRK Ranbir Ranveer mise Saif Waa kuma jilaaga ay Deepika Padukone u aragto inuu yahay lamaanaha ugu fiican ay filim kala soo muuqatay?

0
1557

Atariishada Deepika Padukone ayaa carabka ku dhufatay jilayaasha ay aadka u jeceyshaahay isla markaasna ay u aragto iney yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee shaashada kula jishay doorka lamaanaha.

Deepika ayaa sheegtay in Shahrukh Khan, Saif Ali Khan iyo Ranbir Kapoor yihiin lamaanihii ugu wanaagsanaa ee ay shaashada kala soo muuqatay waxaana xusid mudan in Shahrukh Khan iyo Deepika 3 filim isla keeneen iyadoo labo kamid ah Blockbuster noqdeen kuwaasoo kala ah Chennai Express iyo Om Shanti Om halka Happy New Year uu Super Hit u noqday.

Dhanka Saif waxay la keentay filimada Cocktail iyo Love Aaj Kal ayadoo labada filimka Hit noqdeen.

Deepika ayaana sidoo kale sheegtay inuu jiro qof markasta u khaas ah nolosheeda dhabta ah iyo mida filimadaba ayadoona sheegtay inuu yahay lamaanihii ugu wanaagsanaa filim kala soo muuqatay waana seygeeda Ranveer Sing kaasoo ay sadax filim isla keeneen dhamaana wada guuleysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here