Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan wuxuu sameyn rabaa soo rogaal celin aan horey loo arag madaama dabaa daga dhalashadiisa 54-aad ku beegan tahay 2 bisha November ee nagu soo fool leh Superstar-kan taageerayaashiisa siweyn ayuu u farxad galin doonaa.

King Khan waxaa la sheegay in maal mihii ugu dambeeyay kulamo xafiiskiisa shaqada kula qaadanayay sedexda filim sameeye ee xiligan gudaha Hindiya ugu saameynta badan dhanka sameynta aflaanta tayada wanaagsan waxayna kala yihiin Atlee, Rajkumar Hirani iyo Ali Abbas Zafar wuxuuna rabaa sedexdooda min hal filim inuu sameeyo sidoo kalena awoodiisa hoos u dhacday siweyn sare ugu soo qaado.

SRK bishii December ee sanadkii hore ayaa ugu dambeesay filim usoo baxo waxaana markaas ka fashilmay filimkii Zero kadibna wax mashruuc ah ma uusan saxiixanin asigoo sheegay inuu galaayo xaalad ka fiirsasho sidoo kalena uusan ku dag dagi doonin sameynta filimo aan nuxur laheyn waana sababta keentay in ku dhawaad mudo sanad ah Superstar-kan wax filim ah saxiixanin.

SRK waxaa la sheegay in filimkiisa xiga Director Atlee u sameyn doono waana filim sameeyaha xiligan Koonfur Hindiya ugu awooda badan madaama filimadiisa Theri, Mersal iyo Bigil oo uu Vijay u sameeyay dhamaantooda guulo lixaad leh gaareen sidoo kalena aad looga helay qaabka uu fariimaha u dhigo wuxuuna haatan Atlee ku sugan yahay magaalada Mumbai asigoo SRK la wadaagayo sheeko xiiso badan uu soo diyaariyay.

Sidoo kale Director Rajkumar Hirani isagana mashruuciisa xiga oo jaceyl ah wuxuu doonayaa inuu SRK hogaamiye kaga dhigo wuuna ka helay King Khan fariinta qiirada badan ee mudane Hirani miiska usoo saaray laakiin lama ogo inay noqon doonto doorashadiisa kowaad.

Ugu dambeyntii SRK wuxuu ka balan qaaday shirkada Yash Raj Films inuu u sameenayo filim weyn oo Action ah waxaana filimkan Director ka noqonaayo Ali Abbas Zafar oo lagu kalsoon yahay inuu SRK u diyaariyay fariin uu soo laabasho adag ku sameyn karo waxaana haatan la leeyahay waxaa macquul ah xaflada dhalasho King Khan in looga dhawaaqo sedexdan filim waa weyn inuu sameyn doono mustaqbalka dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here