Bollywood King Aka Shah Rukh Khan ayaa ugu dambeyntii kaalintiisa qaatay madaama dhawaanahan jilaayaasha fanka Hindiya walbo dowlada Hindiya dhaqaale ugu tabarucaayay si Coronavirus-ka looga guuleesto madaama Hindiya bartanka kaga jirto 21-maalmood bandhow ah oo aan guryaha laga soo bixi karin.

SRK shirkadaha waa weyn ee uu iska leeyahay sida Kolkata Knight Riders, Red Chillies Entertainment, Meer Foundation iyo Red Chillies VFX waxay ku dhawaaqeen inay garab istaagi doonaan Ra’iisul Wasaare Narendra Modi kaalin adagna ay qaadan doonaan waxayna shirkadahan hawlo samafal iyo yabooh dhaqaale ka sameyn doonaan sedex magaalo oo kala ah Mumbai, Kolkata iyo New Delhi kadibna taageeridooda wey sii balaarin doonaan.

Shirkadaha SRK madaxda u yahay waxay qaadan doonaan kaalin ah inay bixin doonaan mushaarka maalinlaha shaqaalaha dowlada iyo kuwa iskooda isku xil qaamay ee la tacaalayaan caabuqa halista badan ee Coronavirus, sidoo kale waxay shirkadahan bixin doonaan daawada iyo agab walbo oo loo baahan yahay xiliga xaaladan deg dega ah lagu jiro waxay bixin doonaan raashiinka, gogasha iyo dharka ay xiran lahaayeen dadka guryo la’aanta ah ee Mumbai, Kolkata iyo New Delhi ku nool.

Raa’iisul Wasaaraha Hindiya aa u mahad celiyay SRK iyo shirkadihiisa kaalinta weyn ay qaateen balse King Khan wuxuu kusoo jawaab celiyay inay arin waajib ah tahay sidoo kalena loo baahan yahay waqtigaan la joogo inay Hindiya hal mid noqoto si xaaladan adag looga gudbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here