Sanadii 1987 Director Shekhur Kapoor wuxuu sameeyay filimkii hirgalay Mr India oo ay wada sameeyeen Anil Kapoor, Sridevi iyo Amrish Puri mashruucan wuxuu noqday HIT weyn sidoo kalena Classic ah sanado badana la dalbanaayay in qayb labaad laga sameeyo haatana waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Mr India 2 la sameenayo.

Mr India 2 waxaa sheekadiisa qoraayo Ali Abbas Zafar sidoo kalena isagana ayaa Director ka noqon doono sidoo kalena sanadkan lixdiisa bilood dambe ayay duubistiisa bilaaban doontaa qorshahana wuxuu yahay qaybaha dambe 2021 in la daawado weliba si caalami ah ayaa loo sameyn doonaa.

Waxaa la xaqiijiyay in Ranveer Singh doorka hogaaminta qaadan doono ee Anil Kapoor horey u matalay markaana awood dheeraad ah la siin doono si uu shaashada Super Hero casri ah ugu matalo wuuna ka helay qaabka doorkiisa awooda badan loo dhigay sidoo kalena mada daalo xiiso badan leh.

Sidoo kale kooxda filimka Mr India 2 waxay kulan la qaateen Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan oo isagana loo bandhigay doorkii Classic ahaa Mugambo ee qaybtii kowaad Amrish Puri ku matalay kana mid ah doorarka xumaanta ebid shaashada Bollywood-ka ku mataleen midka ugu saameynta badan waa haddii meel la iska dhigo doorkii Gabbar Singh ee Amjid Khan filimkii Sholay ku matalay.

SRK weli si rasmi ah mashruucan uma saxiixanin balse durba warbaahinta Hindiya waxay bilaawday inay sameyso ciwaano ah Ranveer Vs SRK oo shaashada ku hardami doonaan iyo SRK oo kabihii Mugambo gashan doono si uu doorkii taariikhiga ahaa dib usoo nooleeyo.

Haddaba aqristayaasha qiimahan badan sidee u aragtiin in filimka Mr India 2 Ranveer Singh iyo SRK wada sameeyaan sidoo kalena SRK doorka xumaanta matalo inkastoo weli si rasmi ah arinkaan shaaca looga qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here