Shalay waxaa loo dabaal dagaayey munaasabada dhalasho xidiga weyn ee Shah Rukh Khan maadama uu 54 jir noqday sido kalena uu dhashtay shalay oo kale 2 Nov 1965.
Waxaa laga qoray shalay warbixinooyin fara badan waxaana laga soo bandhigay sawiro kala nooc ah oo waayo hore ah balse anaga ayaaba ka mashquulnay webka shalay sidaa aawged hal warbixin dheer ayaan ka qornay jilaagan.
Hadaba hader waxaan soo helnay sawiro shalay lasoo bandhigay una gaar ah Shah Rukh Khan iyo qoyskiisa waana sawiro xili hore jilaagan laga qabtay isaga iyo qoyskiisa fadlan hoos kaga bogo:
Dhanka shaqada Filimkiisa ayaa si weyn loo wada sugaya hader maadama in mudo shaashada laga waayey taageerayaashiisana si weyn ayee ugu xiiseyn bal nala daawo sawirada xasuusta ah ee Khan laga soo bandhigay.








