Bollywood King Khan ayaa ka dhawaajiyay sababta ka dambeysa isaga iyo Bollywood Khiladi Kumar ine wada shaqeyn waayaan waqtigaan la joogo waxuuna SRK eeda dusha kaga tuuray isaga nafsad ahaantiisa.

Khan waxuu noqday reero dhafar habeenkii xili dambe ayuu seexdaa mararka qaar xili subax ah ayuu sariirta tagaa misane seexdaa maadama habeenkii uu shaqeesto maalintiina waa hurdaa.

Waxuu yiri isagoo arrinkaan sharaxaayo,”Akshay waa nin jadwal adag leh subaxui dhulka oo mugdi ah ayuu aqalkiisa kabaxaa misane shaqo aada halka aniga xiligaas aan sariirteyda tago si aan u seexdo labadaas qof ma wada shaqey karaan hadaba.”?

Mudooyinkaan dambe waxaan bilaaway inaa howsheyda oodhan habeenkii qabsado sida filim duubista iyo xayeysiimahaba waa sababta aynan u wada shaqeyn karin aniga Kumar.”

Waxaa la sheegay Akshay Kumar habeenkii xili hore inuu seexdo haduu daaho waxuu sariirta tagaa 8:00 pm fiidnimo hadii kale kahor ayuu seexda subaxiina 4:00 am subaxnimo ayuu kacaa oo shaqo isku diyaariyaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here