Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan waxaa la isku raacay inuu kamid yahay caalamka shaqsiyaadka heybada uleh hab u hadalka, jilaagan qofku waa ammaana uu dhaho waa qasab qofkaas inuu is jeclaado nafsad ahaantiisa.

Waxuu leeyahay heybad hadal iyo ammaanta dadka oo uu kudheereyo markuu qudbadaha jeedinaayo misane shaqsi gaar ah ka hadlaayo weyba ugu baxdaa ammaan ayuu ugu qubeya qofkaas, mudo 8 sano kahor xaflad abaal marin lagu bixiyo ayaa la wada joogay waxaana xafladaas kasoo qeyb galeen halyeeydii horr ee Bollywoodka iyo kuwii xiligaa fanka ku cusbaayeen.

Martida xaflada lagu casuumay waxaa kamid ahed Dream Girl Hema Malini balse wey maqned oo weysoo daahday ama gadaal dambe ayee xaflada katimid intee maqned ayuu SRK masraxa soo koray misane Hema ammaanay.

Waxuu goobta ka sheegay Filimkiisa ugu horeyay abid uu saxiixday inee iyada Director ka ahed waxuu yiri isagoo hadlaayo,”Hemaji waa atiriishooyinkii hore mid kamid ah kuwaan ugu jeclaa waxay Director ka ahed Filimkeygii ugu horeyay Dil Aashina marka waa qof igu qaas ah.”

“Oday walba oo maanta ciroole ah ama hanala joogo ama Tv-ga hanaga daawade waa qasab inuu Hema Malini jeclaa waaggii ay dhalinta ahed waayo waxay ahed Dream Girl ama wiil walba mida uu kuriyoon jiray aniga ahaan waxaan uqiray dunida gabadhii ugu quruxda badned abid so marta.”

“Balse ma doonaayo inaan kusii dheeraado ammaanta mareo Hema hadii kale waxaan ka baqaa in mudane Dharam (Dharmendra) uu qoorta ijabiyo waayo horaa la iigu digay inaan iska ilaaliyo Dharam xoog-weyne.”

Kadib wuu qoslay waxaana halmar wada qosleen boqolaal dad ah oo xaflada goob joog ahaayen xidigaha xafladaas ka qeyb galeen waxaa kamid ah Rajesh Khanna, Dilip Kumar, Jaya Bachchan, Abhishek Bachchan, Ranbir Kapoor, Vidya Balan, Sridevi, Amesha Patel, Arbaaz Khan, Zeenat Amman, Vinod Khanna iyo kuwa badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here