Shabakada Boxoffice India (BOI) dhawaan waxay soo daabacday maqaalka awooda atoorayaasha Star Power Ranking oo ay kaga hadasho sida atoorayaasha xiligan u kala awood badan yihiin waxaana qiimeyntan lagu saleeyay bishii Janaayo 2020.

Haddaba BOI waxay sharaxday qaabka ay ku qiimeyso awooda atoorayaasha waxaana lagu saleeyaa xeerarka hoos ku qoran si aad u fahantiin:

Xeerka kowaad: Qiimeynta waxaa lagu saleeyaa sedexda maalmood ugu horeyso atooraha sida uu filimka u gadi karo.

Xeerka labaad: Atooraha waxaa loo qiimeeyaa 38-bilood ugu dambeesay aflaanta uu sameeyay.

Xeerka sedexaad: Sanadka waxaa loo qeybiyaa afar rubac oo lagu xeen daabo qiimo cayiman oo filimka laga rabo inuu keeno, Jan ilaa Marso 52 Crore waa inuu filimka keenaa sedexda maalmood ugu horeyso, April ilaa June waxaa laga rabaa filimka inuu keeno 52.50 Crore, July ilaa Sep waxaa laga rabaa filimka inuu keeno 50.50 Crore sedexda maalmood u horeyso, Oct ilaa Dec waxaa laga rabaa filimka inuu keeno 51 Crore sedexda maalmood ugu horeyso.

Haddab aaan diirada saarno Megastar Salman Khan kaalinta kowaad ku jiro aflaanta loo xisaabiyay 38-bilood ugu dambeesay, filimkisa Dabangg 3 dhibcaha uu ku helay.

Salman Khan filimkiisii Dabangg 3 sedexda maalmood ugu horeesay wuxuu keenay 72.46 Crore waxaana xusid mudan in hal beegiisa filimkan ahaa 51 Crore inuu keeno si awooda atooraha loogu qiimeeyo madaama October ilaa December BOI ku xeen daabtay awooda atooraha sedexda maalmood ugu horeyso filimkiisa inuu keeno 51 Crore.

Sidaa darteed Salman Khan filimka Dabangg 3 wuxuu ku helay 264-dhibcood waxaana xusid mudan in filimka guushiisa iyo guul daradiisa Star Power-ka lagu qiimeynin ee lagu qiimeeyo atooraha sedexda maalmood ugu horeyso siduu filimka u gadi karo.

Salman Khan wuxuu heestay 1630 dhibcood bishii December awood ahaan balse qiimeyntii ugu dambeesay Janaayo 2020 BOI soo saartay wuxuu heestaa 1894-dhibcood waxaana dhibcihiisa ku korartay 264-dhibcood oo uu Dabangg 3 ku helay.

Salman Khan iyo 38-bilood ugu dambeesay aflaanta loo qiimeeyay waa kuwee Star Power-kiisa:

1. Dabangg (2019) sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 72.46 Crore (xeen daabkiisa wuxuu ahaa 51 Crore inuu keeno)

2. Bharat (2019) sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 90.47 Crore (xeen daabkiisa wuxuu ahaa 52.50 Crore inuu keeno)

3. Race 3 (2018) sedexda maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 100.64 Crore (xeen daabkiisa wuxuu ahaa 52.50 Crore inuu keeno)

4. Tiger Zinda Hai (2017) sedexda maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 114.91 Crore (xeen daabkiisa 51 Crore ayuu ahaa)

Marka Xigta La Soco Inshallah Superstar Akshay Kumar Ayaan Soo Qaadan Doonaa Madaama Uu Kaalinta 2-aad Ku Jiro Awooda Atoorayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here