Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1990 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1990 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1990 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Madhuri Dixit: Awooda Bollywood-ka dhanka atirishooyinka waxay kula wareegtay filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Dil iyo labadii filim Big Hits-ka noqdeen Kishen Kanhaiya & Thaanedaar.

2. Sridevi: Xidigtaan sanadii 1990 filim Hit weyn noqday ama Boxoffice-ka saameyn ku yeeshay ma aysan la imaanin balse waxay lumisay kaalinta kowaad ayadoo labaad u dhacday awood ahaan waayo awoodeedii hal sano ay ka wareertay kuma lumin karto madaama sanado badan horey fanka u heesatay.

3. Meenakshi SheshadariWaxay xidig weyn ku noqday filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Ghayal iyo sidoo kale filimkii guusha dhex dhexaadka ahaa u gaaray Ghar Ho To Aisa.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1990:

Waa sanadii Sridevi dareentay in awooda fanka dhanka atirishooyinka gacanteeda kasii baxeyso waxaana si waali ah booska kala wareegtay Madhuri Dixit oo sanado badan hooska Sridevi ku jirtay.

Waxaa dhacday sanadii 1990 in Madhuri ay noqotay jilaaga labaad ee ugu saameynta badnaa atoore iyo atirisho marka la is bar bar dhigay kaliya Sunny Deol ayaa Ghayal kaga saameyn badnaa sidoo kalena Madhuri guushii filimka Dil iyada ayaa Aamir Khan libin ahaan ka yeelatay!

Atirishada Meenakshi Sheshdari iyada waxaa sharaf weyn u ahayd inay sanadii 1990 aqoonsi lixaad leh fanka Hindiya ka hesho ayadoo Bollywood-ka kaliya laga aaminsanaa Madhuri iyo Sridevi fan ay ku hardamaan inuu yahay xiligaas.

F.G: Waan ka xunahay dhibcaha atirishooyinka xiligaas heleen ma heli karno xog ahaan balse waan idinla wadaagi doonaa marka xogta bilawgii 90-maadkii shabakada Boxoffice India Update gareyso.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1991 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas