Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1991 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1991 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1991 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Madhuri Dixit: Waxay sii adkeesatay hogaanka ay Bollywood-ka u heyso dhanka atirishooyinka ayadoo 1991 la timid filimkii Blockbuster-ka noqday Saajan.

2. Sridevi: Xidigtaan sanadii 1991 filim Hit weyn noqday ama Boxoffice-ka saameyn ku yeeshay ma aysan la imaanin balse waxay lumisay kaalinta kowaad ayadoo labaad u dhacday awood ahaan waayo awoodeedii labo sano ay ka wareertay kuma lumin karto madaama sanado badan horey fanka u heesatay.

3. Meenakshi SheshadariXidigtaan iyadana aflaan waa weyn lama imaanin balse masoo bixin atrisho awood Boxoffice-ka ku yeelato 1991 oo booska sedexaad kala baxdo.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1991:

Waa sanadkii labaad xariir ah oo safka hore awooda atirishooyinka waxba iskama badalin taasi oo muujineesay in Madhuri cirka sii galeesay halka Sridevi gaabiskeeda uu bilaawday.

Madhuri awoodii ugu sareesay ayay fanka ku qabsatay madaama Saajan Big Hit weyn noqday sidoo kalena ay boos adag ku laheyd.

Laakiin Sridevi wey sii miriqday madaama filimkeedii weynaa Lamhe sanadii 1991 uu siweyn u guul dareestay taasina waxay sababtay inaysan Madhuri kula tartami karin safka hore.

F.G: Waan ka xunahay dhibcaha atirishooyinka xiligaas heleen ma heli karno xog ahaan balse waan idinla wadaagi doonaa marka xogta bilawgii 90-maadkii shabakada Boxoffice India Update gareyso.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1992 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN