Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1992 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1992 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1992 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Madhuri Dixit: Weyba kasii dartay awood ahaan kadib markii ay la timid filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Beta.

2. Juhi Chawla: Sanadii 1992 waa sanad ay awood ahaan xidigtaan banaanka iska keentay madaama filimo badan u guuleesteen ay la timid sida Bol Radha Bol iyo Raju Ban Gaya Gentleman.

3. SrideviSanad walbo awood ahaan wey sii quuseesay waxaana sanadii 1992 ka fashilmay filimkii weynaa Khuda Gawah oo ay Amitabh la sameesay, atirisho kale oo awood badan ma jirin sidaas ayay sedexda sare baaqi ugu sii ahaatay.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1992:

Waa sanadkii Juwhi Chawla awood dhameestiran Boxoffice-ka ku yeelatay sidoo kalena Madhuri ka dhigtay fanka inay kaligeed hogaamiye u tahay iyo dhamaadkii awoodii Sridevi oo 1992 soo idlaatay.

Madhuri Super star-dan Bollywood-ka meel kaligeed iska heesato ayay ka dhigtay madaama sanadkii sedexaad xariir ah Blockbuster weyn la imaaneesay waxayna fanka muran la’aan ku qabsatay filimkii Beta weliba atoorayaasha oo dhan wey ka lacag badneyd marka laga reebo Sunny Deol!

Juwi Chawla banaanka ayay isi soo dhigtay waxayna noqotay atirishada labaad ee Madhuri kasoo xigto sanadii 1992 ayadoo magac weyn heshay.

Sridevi toos ayay ugu dhamaatay madaama Khudwa Gawah Flop ka noqday sidoo kalena Heer Ranjha uu ka bur buray waxaana soo idlaatay 14-sano ka badan fanka awooda ay ku heesatay.

Divya Bharti ayaa sanadii 1992 xidig weyn noqotay kadib markii dadka ay isku bartay labada filim ee Big Hits-ka noqdeen Deewana and Shola Aur Shabnam waxaana la isku raacay Super Star-da xigta Bollywood-ka inay noqon doonto xiligaas!

F.G: Waan ka xunahay dhibcaha atirishooyinka xiligaas heleen ma heli karno xog ahaan balse waan idinla wadaagi doonaa marka xogta bilawgii 90-maadkii shabakada Boxoffice India Update gareyso.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1994 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN