Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1993 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1993 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1993 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Madhuri Dixit: Waa iska caadi Madhuri inay Bollywood-ka hogaamiso waxayna 1993 la timid filimkii weynaa Khalnayak.

2. Juhi Chawla: Star Power-keeda cirka ayuu galay waxayna noqotay xidig Madhuri si toos ah ula tartami karto waxayna 1993 la timid aflaan guulo lixaad leh gaareen sida Darr, Hum Hain Rahi Pyar Ke iyo Lootere.

3. Karisma KapoorXidig cusub ayaa soo baxday Boxoffice-kana awood ku yeelatay wana Karisma oo la timid sanadii 1993 filimada Anari, Muqabla.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1993:

Madhuri Dixit waa lama huraan fanka inay hogaamiso laakiin Juhi Chawla ayaa heshay Star Power midkii ugu sareeyay halka Karisma iyadana xidigno soo deg degtay ay heshay sanadii 1993.

Madhuri Dixit sanadkii afaraad oo xariir ah ayay Bollywood-ka dhanka atirishooyinka hogaanka u heesay weliba 1993 waxay la timid filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Khalnayak.

Juwi Chawla dhibco waali ah ayay ku heshay filimadii 1993 sameesay sidoo kalena xidig aan awood ahaan loo dhawaan karin ayay noqotay toosna ula tartami karto Madhuri madaama ay la timid filimada hirgaleen Darr,Hum Hain Rahi Pyar Ke and Lootere.

Karisma Kapoor ayaa xidig soo caan baxday noqotay kadib markii filimadeedii Anari iyo Muqabla Boxoffice-ka saameyn xoogan ku yeesheen.

F.G: Waan ka xunahay dhibcaha atirishooyinka xiligaas heleen ma heli karno xog ahaan balse waan idinla wadaagi doonaa marka xogta bilawgii 90-maadkii shabakada Boxoffice India Update gareyso.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1994 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN