Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1994 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1994 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1994 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Madhuri Dixit: Sheeg sheeg uma baahno inay fanka hormuud u tahay madaama 1994 la timid Blockbuster-kii taariikhidga ahaa Hum Aapke Hain Kaun iyo filimkii guusha wacan gaaray Anjaam.

2. Juhi Chawla: Star Power-keeda waxay kusii xajisatay filimkeedii guusha heerka sare ah gaaray Saajan Ka Ghar.

3. Raveena TandonXidig cusub ayaa soo baxday Boxoffice-kana awood ku yeelatay wana Raveena  oo la timid sanadii 1994 filimada Mohra, Dilwale, Laadla.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1994:

Madhuri Dixit waxay noqotay Super star xitaa atoorayaasha badankooda ka awood badan sanadii 1994 madaama filimkii All Time Blockbuster-ka weyn noqoday iskoorkii Sholay jebiyana la timid Hum Aapke Hain Kaun weliba sanadkii 5-aad xariir ah ayay fanka dhanka atirishooyinka hogaanka u heesay.

Juwi Chawla dhibcaheeda waxay ku difaacatay filimkeedii Saajan Ka Ghar laakiin iyada xitaa waxay gar waaqsatay inaysan Madhuri la tartami karin kaliya laga rabo booskeeda labaad inay ilaashato awood ahaan.

Raveena Tandon ayaa xidig weyn noqotay suuqana qabsatay 1994 madaama filimadeedii Mohra, Dilwale, Laadla siweyn u gadmeen.

Karisma Kapoor iyadana 6-filim ayaa u guuleesteen sanadii 1994 sidoo kalena maqaamkeeda wuu sii kobcay awood ahaan.

Kajol ayaa xidig noqotay aqoonsi weyna ku heshay filimkii Yeh Dillagi oo ay Akshay Kumar iyo Saif Ali Khan la sameesay kaasi oo Hit dhameestiran noqday.

F.G: Waan ka xunahay dhibcaha atirishooyinka xiligaas heleen ma heli karno xog ahaan balse waan idinla wadaagi doonaa marka xogta bilawgii 90-maadkii shabakada Boxoffice India Update gareyso.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1995 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1993 Fadlan RIIX HALKAAN