Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1995 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1995 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Madhuri Dixit: Waa qasab in Madhuri Big Hit la imaado sanad walbo waxayna 1995 la timid filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Raja.

2. Juhi Chawla: Star Power-keeda waxay kusii xajisatay filimada guulaha wacan u gaareen Ram Jaane, Naajayaz

3. KajolWaa sanadkii Kajol awoodeeda si waali ah banaanka ugu soo baxday madaama la timid labadii filim Blockbuster-da taariikhiga ah noqdeen Dilwale Dulhania Le Jayenge, Karan Arjun.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1995:

Madhuri Dixit waxay awood aan caadi ahayn ku gaday filimkii Raja ee Sanjay Kpapoor lagu soo caan bixinaayay iyadana ayaana filimkan Blockbuster ka dhigtay una suura gashay sanadkii 6-aad xariir ah inay hogaanka Bollywood-ka u heyso.

Juwi Chawla dhibcaheeda waxay ku difaacatay filmadeedii guulaha wacan gaareen Ram Jaane, Naajayaz sidoo kalena bandhig ahaan aad loogu amaanay.

Kajol atirishada sanadka iyo xidigta sanadka ayay noqotay madaama Dilwale Dulhania Le Jayenge ay Bollywood-ka ku qabsatay si la mid ah Blockbuster kale oo weyn ayay la timid 1995 waana Karan Arjun.

Karisma Kapoor iyadana waxay ahayd atirishadii 4-aad 1995 Bollywood-ka ugu awooda badneyd waxayna la timid filimkii Hit-ka weyn noqday Coolie No.1.

F.G: Waan ka xunahay dhibcaha atirishooyinka xiligaas heleen ma heli karno xog ahaan balse waan idinla wadaagi doonaa marka xogta bilawgii 90-maadkii shabakada Boxoffice India Update gareyso.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1996 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1993 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1994 Fadlan RIIX HALKAAN