Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1996 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1996 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1996 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Karisma Kapoor: Awood waali ah ayay fanka ku qabsatay madaama Big Hits waa weyn sameesay 1996 sida Raja Hindustani, Saajan Chale Sasural, Jeet, Krishna, Ajay, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 580-dhibcood.

2. Madhuri Dixit: Star Power-keeda wuu is dhimay madaama 1996 filim Hit ah sameyn awooda kowaadna waa laga wareegay, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 570-dhibcood.

3. Juhi ChawlaFilimkii Loafer ayaa u guuleestay ooo awoodeeda usii celiyay sedexda sare inay kasii mid ahaato, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 565-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1996:

Karisma Kapoor awooda Bollywood-ka si waali ah ayay ku qabstay weliba aqoonsi aan loo dhawaan karin ayay heshay ayadoo Madhuri kaalinta kowaad kala wareegtay waxayna 1996 la imaaday filimkii All Time Blockbuster-ka noqday Raja Hindustani, labadii Superhit-ka noqdeen Saajan Chale Sasural iyo Jeet iyo labadii guulaha dhex dhexaadka ah gaareen Ajay & Krishna.

Madhuri Dixit wax walbo dhamaad ayay leeyihiin waxaana soo idlaatay awoodii ay fanka ku heesatay mudo 6-sano ah waxaana booska kowaad kala wareegtay Karisma madaama Madhuri filimo kala duwan ka guul dareesteen.

Juwi Chawla dhibcaheeda waxay ku difaacatay filmkeedii guusha dhex dhexaadka ah gaaray Loafer.

Kajol awood ahaan kaalinta afaraad ayay u dhacday madaama 1996 la timid filimkii bur buray Bambai Ka Babu waxayna dhibco ahaan heesatay 560-dhibcood Star Power-keeda.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1997 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1993 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1994 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1995 Fadlan RIIX HALKAAN