Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1997 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1997 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1997 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Karisma Kapoor: Awoodeedii wey sii laba jibaar matay madaama Big Hits u noqdeen sanadii 1997 sanadii Dil To Pagal Hai,  Hero No. 1, Judwaadhibcaha ay heesatay awood ahaan 625-dhibcood.

2. Kajol: Si rasmi ah waxay u noqotay xidigta labaad ee Bollywood-ka ugu awooda badan madaama sanadii 1997 la timid labo filim oo Bits Hits noqdeen Ishq, Gupt, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 575-dhibcood.

3. Juhi Chawlasanad qaas ah ayuu u ahaa 1997 ayadoo la timid filimo badan oo hirgaleen sida kuwa Hits-ka noqdeen Deewane Mastani, Ishq, Yes Boss iyo Mr. & Mrs. Khiladi oo guul wacan u gaaray, Loafer ayaa u guuleestay ooo awoodeeda usii celiyay sedexda sare inay kasii mid ahaato, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 565-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1997:

Karisma Kapoor waxay ku badashay Madhuri-da cusub Bollywood-ka ayadoo sanadkii labaad xariir ah fanka hogaanka u heesay weliba 1997 kuma sii jirto madaama ay 50-dhibcood dheereed atirishadii Kajol ee kusoo xigtay.

Kajol 1997 wey soo talaabsatay booska labaad ayayna soo gaartay ayadoo awoodeeda banaanka kusoo dhigtay filimadii Gupta iyo Ishq.

Juhi Chawla wey diiday inay isdhiibto booskeeda awood ahaana 1997 si adag ayay u xajisatay madaama filimo badan oo ganacsi ahaan hirgaleen la timid.

Madhuri Dixit wey sii dagtay awood ahaan inkastoo Dil To Pagal Hai Blockbuster ah la timid hadana ma aysan la tartami karin Karisma iyo Kajol madaama gabalkeedii xiligii uu dhici lahaa la gaaray.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1998 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1993 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1994 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1995 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1996 Fadlan RIIX HALKAAN