Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1999 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Codsi Aqristayaal: Madaama aan bilaawnay maqaal aan ku ogaaneyno awooda atoorayaasha Bollywood-ka sida ay ahayd 28-sano ka hor joogtana aan ka dhignay, saaxiibo badan oo nagu xiran ayaa naga codsadeen awooda atirishooyinka Bollywood-ka inaan soo qaadano sida ay ahayd laga soo bilaabo 1990 ilaa haatan.

Sidaa darteed aqristayaasheena qiimaha badan ayaan codsigooda u tixgalineynaa waxaana ka dhigi doonaa joogto soo bandhigida awooda atirishooyinka Bollywood-ka sida ay ahayd 1990 ilaa 2017 aan kasoo gaarno:

Sanadii 1999 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Karisma Kapoor: Filimadii guulaha waa weyn u gaareen sanadii 1999 waxaa ka mid ahaayeen Hum Saath Saath Hain,  Biwi No.1,  Haseena Maan Jayegi, Jaanwar, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 650-dhibcood.

2. Kajol: Filimka Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain ayaa Big Hit u noqday sanadii 1999, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 630-dhibcood.

3. Aishwarya Rai: xidigtaan ayaa banaanka usoo dhigtay filimadii guulaha heerka sare ah u gaareen sanadii 1999 Hum Dil De Chuke Sanam, Taal, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 550-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1999:

Karisma Kapoor wey soo rogaal celisay madaama ay 1998 hawada ka maqneyd waxayna 1999 dhigtay wacdaro aan horey loo arag ayadoo la timid filimadii hirgaleen ganacsi ahaan Hum Saath Saath Hain (Blockbuster),  Biwi No.1 (Super Hit),  Haseena Maan Jayegi (Hit) iyo Jaanwar (Semi Hit).

Kajol 1999 booskeeda labaad waxay ku xajisatay awood ahaan filimkii Hit-ka weyn noqday Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain sidoo kalena kaliya 20-dhibcood ayay awood ahaan ka hooseesay Karisma Kapoor.

Aishwarya Rai waxay noqotay xidig dhameestiran iyo awood cusub oo fanka kusoo biirtay madaama 1999 la timid filimada Hum Dil De Chuke Sanam, Taal sidoo kalena aqoonsi weyn heshay kaalinta 3-aadna awood ahaan qabsatay.

Rani Mukerji kaalint afaraad ayay u dhacday awood ahaan madaama sanadii 1999 filim Hit dhameestiran noqday aysan la imaanin waxayna dhibco ahaan heesatay 535-dhibcood.

Preity Zinta ayaa kaalinta 5-aad ku jirtay awood ahaan waxayna heesatay dhibco gaarayo 520-dhibcood waxayna ahayd sanadkii labaad oo ay fanka ka tirsaneyd.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 2000 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1993 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1994 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1995 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1996 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1997 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1998 Fadlan RIIX HALKAAN