Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1990 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1990 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Waxaan inta badan dhawaanahan ka hadalnaa awooda atoorayaasha xidigaha ah ee xiligaan filimada gaddi karaan soona daabacdo shabakada Boxoffice India.

Balse si aan xeen daabka u balaarino shabakada Filimside waxay isku hawshay dhalinta Web-keena ku xiran inaan uga faa’iideeno sawir sax ahna awooda Super Star-da ka siino 28-sano ee ugu dambeesay.

Sidaa darteed Star Power-kii ama awooda atoorayaasha Bollywood-ka sidii ay ahayd 90-maadkii ayaan ku laaban doonaa anagoo soo qaadan doono sedexdii atoore ee sanad walbo ugu awooda badneyd.

Sanadii 1990 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Amitabh Bachchan: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1990 wuxuu ahaa Aaj Ka Arjun, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 735-dhibcood.

2. Sunny Deol: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1990 wuxuu ahaa Ghayal, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 725-dhibcood.

3. Anil Kapoor: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1990 wuxuu ahaa Kishen Kanhaiya iyo Ghar Ho To AisaDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 685-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1990:

Amitabh Bachchan ayaa soo laabasho weyn sameeyay asigoo la yimid HIT-kiisa ugu horeeyay mudo 5-sano kadib waana filimkii lala cajabay Aaj Ka Arjun.

Sunny Deol ayaa duufaan ahaan Bollywood-ka ku qabsaday filimkiisii Ghayal oo la yimid hadal heyn taariikhi ah taasi oo aan dhamaanin 90-maadkii oo idlil.

Anil Kapoor ayaa sare u kac xoogan sameeyay kadib markii filimadiisii Kishen Kanhaiya iyo Ghar Ho To AisaBoxoffice-ka wacdaro xoogan ka dhigeen.

Aamir Khan ayaa xidignimadiisa kusoo ceshtay filimkii Dil madaama markii Qayamat Se Qayamat Tak uu sameeyay sanadii 1988 uu xidig noqday hadana xidignimadii uu lumiyay ilaa uu 1990 Dil la imaado intii u dhaxeesay filimo ganacsi ahaan hoobteen magaciisana dhulka galiyeen ayuu sameeyay.

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1991 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas