Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1991 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1991 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Hordhac:

Waxaan inta badan dhawaanahan ka hadalnaa awooda atoorayaasha xidigaha ah ee xiligaan filimada gaddi karaan soona daabacdo shabakada Boxoffice India.

Balse si aan xeen daabka u balaarino shabakada Filimside waxay isku hawshay dhalinta Web-keena ku xiran inaan uga faa’iideeno sawir sax ahna awooda Super Star-da ka siino 28-sano ee ugu dambeesay.

Sidaa darteed Star Power-kii ama awooda atoorayaasha Bollywood-ka sidii ay ahayd 90-maadkii ayaan ku laaban doonaa anagoo soo qaadan doono sedexdii atoore ee sanad walbo ugu awooda badneyd.

Sanadii 1991 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Amitabh Bachchan: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1991 wuxuu ahaa Hum, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 725-dhibcood.

2. Sunny Deol: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1991 wuxuu ahaa Narsimha, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 720-dhibcood.

3. Sanjay Dutt: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1991 wuxuu ahaa Saaja iyo SadakDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 670-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1991:

Amitabh Bachchan filimo badan ayaa Flop ka noqdeen balse hadal heynta iyo awooda Boxoffice-ka wuxuu ku adkeestay sanadii 1991 filimkii HIT-ka weyn noqday Hum.

Sunny Deol ayaa awoodiisa difaacday inuusan booska labaad ka bixin madaama filimkiisii Narsimha si waali ah ku furmay (Bumper Opening) inkastoo filimkan HIT weyn noqonin hadana Star Power-ka Sunny ayuu sare usii qaaday.

Sanjay Dutt ayaa hogaanka awooda Bollywood-ka wax ka qabtay markii labadiisii filim Saajan iyo Sadak Big Hits noqdeen sidoo kalena uu saameyn muuqato Boxoffice-ka ku yeeshay asigoo helay Star Power aad u sareesay xiligaas.

Salman Khan ayaa xidignimadiisa kusoo ceshtay filimadii Saajan iyo Sanam Bewafa ee Big Hits-ka noqdeen waayo in mudo ah awood ma uusan laheyn kadib Main Pyaar Kiya uu xidignimo balaaran ku helay haddana awoodiisa 1991 ayay banaanka usoo baxday.

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1992 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *