Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1992 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Hordhac:

Waxaan inta badan dhawaanahan ka hadalnaa awooda atoorayaasha xidigaha ah ee xiligaan filimada gaddi karaan soona daabacdo shabakada Boxoffice India.

Balse si aan xeen daabka u balaarino shabakada Filimside waxay isku hawshay dhalinta Web-keena ku xiran inaan uga faa’iideeno sawir sax ahna awooda Super Star-da ka siino 28-sano ee ugu dambeesay.

Sidaa darteed Star Power-kii ama awooda atoorayaasha Bollywood-ka sidii ay ahayd 90-maadkii ayaan ku laaban doonaa anagoo soo qaadan doono sedexdii atoore ee sanad walbo ugu awooda badneyd.

Sanadii 1992 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Sunny Deol : HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1992 wuxuu ahaa VishwatmaDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 735-dhibcood.

2. Amitabh Bachchan: Ma jirin HIT weyn uu sameyay sanadii 1992 Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 710-dhibcood.

3. Sanjay Dutt: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1992 wuxuu ahaa AdharmDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 665-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1992:

Sanadkii labaad oo xariir ah Top 3 ama sedexda Atoore ugu awooda badan Amitabh Bachchan, Sunny Deol iyo Sanjay Dutt ayaa kasoo muuqdeen micnaha 1991 iyo 1992 hogaanka sedexda Superstar ahaan Bollywood-ka u hayeen.

Sunny Deol ayaa hogaanka awooda Bollywood-ka si rasmi ah ula wareegay wuxuuna noqday Superstar-ka cusub ee Amitabh Bachchan saldanada kala wareegay mudo dheer kadib.

Amitabh Bachchan markii ugu horeesay ayaa hogaanka lagala wareegay madaama filimkiisii Khuda Gawah Boxoffice-ka uu ku fashilmay hami weyna laga qabay miisaaniyad xoogana uu xambaarsanaa.

Sanjay Dutt xidigaan awoodiisa ayuu sare usii qaaday madaama filimkiisi Adharm siweyn u gadmay fagta hore hadal xoogana uu ku helay.

Govinda ayaa xidignimo dhameestiran ku helay filimkiisii Shola Aur Shabnam kaasi oo Big HIT awood ahaana uu fanka ku sal dhigtay.

Salman Khan ayaa dhulka ka galay madaama filimo badan ganacsi ahaan ka bur bureen fagta horena dadka jiidanin siweyna loogu qasaaray.

Shahrukh Khan ayaa aqoonsi ku helay filimkiisii Blockbuster-ka noqday Deewane halka Raju Ban Gaya Gentleman guul wacan u gaaray.

Ajay Devgn isagana xidignimo dhameestiran wuxuu ku helay filimkiisii Jigar oo Hit weyn noqday kana caawiyay Devgn inu gobolo badan aqoonsi dhanka Action ah si dhaqsi ah ku helo.

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1993 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1991 Fadlan RIIX HALKAAN