Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1993 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Hordhac:

Waxaan inta badan dhawaanahan ka hadalnaa awooda atoorayaasha xidigaha ah ee xiligaan filimada gaddi karaan soona daabacdo shabakada Boxoffice India.

Balse si aan xeen daabka u balaarino shabakada Filimside waxay isku hawshay dhalinta Web-keena ku xiran inaan uga faa’iideeno sawir sax ahna awooda Super Star-da ka siino 28-sano ee ugu dambeesay.

Sidaa darteed Star Power-kii ama awooda atoorayaasha Bollywood-ka sidii ay ahayd 90-maadkii ayaan ku laaban doonaa anagoo soo qaadan doono sedexdii atoore ee sanad walbo ugu awooda badneyd.

Sanadii 1993 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Sunny Deol: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1993 waxay ahaayeen Darr, Damini, LootereDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 755-dhibcood.

2. Shah Rukh Khan: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1993 waxay ahaayeen Darr, Baazigar, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 750-dhibcood.

3. Sanjay Dutt: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1993 wuxuu ahaa KhalnayakDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 705-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1993:

Sanadkii labaad oo xariir ah Sunny Deol ayaa hogaanka u haayay Star Power-ka Bollywood-ka halka SRK uu sare ukac waali ah awood ahaan sameeyay sidoo kalena Snanjay Dutt booskiisa hogaanka sare wuu sii xajistay.

Sunny Deol dhibcihiisa awood ahaan halkii ugu sareeyay ayay gaareen madaama filimada Darr iyo Lootere si waali ah ku furmeen halka Damini oo uu caawiye ka ahaa awoodiisa ku gadmay iyo jilinkiisii taariikhiga ahaa uu shaashada ka muujiyay.

Shah Rukh Khan wuxuu la yimid awood deg deg ah oo aan horey loo arag madaama Darr iyo Baazigar Big Hits noqdeen sidoo kalena hadal heyntii Bollywood-ka 93 ayuu la wareegay wuxuuna noqday xidig aad u weyn.

Sanjay Dutt xidigaan awoodiisa ayuu sare cirka ayay sii gashay markii Khalnayak Hit-kiisa ugu weyn uu noqday  ..

Govinda ayaa darajada Superstar-nimo u dalacay markii filimkiisii Aankhen All Time Blockbuster noqday wuxuuna helay aqoonsi lixaad leh.

Amitabh Bachchan sanadii 1992 hogaanka Bollywood-ka Sunny Deol ayuu ku wareejiyay kadibna calankiisa wuuba dhacay madaama 93 saaxada laga waayay waxayna Bollywood-ka ogaadeen waayihii Big Bachchan awood ahaan soo idlaadeen fankana Sunny Deol horey usii dhaqaajin karo Amitabh la’aantiisa!

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1994 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1992 Fadlan RIIX HALKAAN