Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1994 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1994 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Hordhac:

Waxaan inta badan dhawaanahan ka hadalnaa awooda atoorayaasha xidigaha ah ee xiligaan filimada gaddi karaan soona daabacdo shabakada Boxoffice India.

Balse si aan xeen daabka u balaarino shabakada Filimside waxay isku hawshay dhalinta Web-keena ku xiran inaan uga faa’iideeno sawir sax ahna awooda Super Star-da ka siino 28-sano ee ugu dambeesay.

Sidaa darteed Star Power-kii ama awooda atoorayaasha Bollywood-ka sidii ay ahayd 90-maadkii ayaan ku laaban doonaa anagoo soo qaadan doono sedexdii atoore ee sanad walbo ugu awooda badneyd.

Sanadii 1994 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Shah Rukh Khan: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1994 waxay ahaayeen Kabhi Haan Kabhi Naa, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 805-dhibcood.

2. Sunny Deol: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1994 maba jirin filim u guuleestay, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 715-dhibcood.

3. Govinda: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1994 wuxuu ahaa Raja Babu, KhuddarDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 705-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1994:

Sunny Deol filimo badan ayaa Flop ka noqdeen sida Insaniyat iyo Imtihan taasi ayaa sababtay awoodiisa Boxoffice-ka booska kowaad inuu Shah Rukh Khan kala baxo.

SRK wuxuu gaaray heer sare oo aan caadi ahayn si deg deg ahna wuu ku gaaray madaama afar filim isku xigto u guuleesteen weliba labo ka mid ah Big Blockbusters ayay noqdeen waa mudo 6-bilood ka yar dhamaadkii 1993 ilaa bilawgii 1994.

Sanjay Dutt xabsina wuu galay sidoo kalena filimadii 1994 usoo baxeen dhamaantooda ganacsi ahaan wey guul dareesteen taasi oo sababtay in Sedexda sare uu ka baxo markii ugu horeesay sedex sano kadib.

Govinda booskiisa Superstar-nimo ayuu xajistay madaama Raja Babu uu Super Hit weyn noqday awoodiisana banaanka usoo baxday.

Salman Khan ayaa soo laba kacleyn caadi ahayn sameeyay kadib markii filimkii All Time Blockbuster-ka ahaa Hum Aapke Hain Hainuu la yimid wuxuuna soo idleeyay 7-filim oo isku xigto kuwaas oo ka guul dareesanayeen ama Boxoffice-ka ku fashilmayeen.

Akshay Kumar ayaa shanta sare soo galay kadib markii 5-filim Hit ah sanadii 1994 la yimid kuna jiro filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Mohra.

Suniel Shetty ayaa xidig dhameestiran oo aqoonsi weyn helay noqday kadib Blockbuster-kii Mohra iyo guulihii wacnaa oo ay gaareen filimadiisii kale sida Dilwale, Anth iyo Gopi Kishen.

Ajay Devgn booskiisa xidignimo wuu adkeestay iyo darajadiisa Action Hero madaama uu la yimid sedex filim Big Hits noqdeen Dilwale, Vijaypath iyo Suhaag.

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1995 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1993 Fadlan RIIX HALKAAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *