Home » Box Office » Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1995 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii 90-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1995 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Hordhac:

Waxaan inta badan dhawaanahan ka hadalnaa awooda atoorayaasha xidigaha ah ee xiligaan filimada gaddi karaan soona daabacdo shabakada Boxoffice India.

Balse si aan xeen daabka u balaarino shabakada Filimside waxay isku hawshay dhalinta Web-keena ku xiran inaan uga faa’iideeno sawir sax ahna awooda Super Star-da ka siino 28-sano ee ugu dambeesay.

Sidaa darteed Star Power-kii ama awooda atoorayaasha Bollywood-ka sidii ay ahayd 90-maadkii ayaan ku laaban doonaa anagoo soo qaadan doono sedexdii atoore ee sanad walbo ugu awooda badneyd.

Sanadii 1995 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Shah Rukh Khan: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1995 waxay ahaayeen Dilwale Dulhania Le Jayenge, Karan Arjun, Ram JaaneDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 885-dhibcood.

2. Govinda: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1995 wuxuu ahaa Coolie No.1, Dhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 725-dhibcood.

3. Akshay Kumar: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1995 wuxuu ahaa Sabse Bada KhiladiDhibacaha Uu Awood Ahaan Heestay 720-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1995:

Waxaa dhacay isbadal waali ah sanadii 1995 waana sanadkii Khans-ka fanka awood waali ah ku qabsadeen ilaa maantadana ku heestaan waayo SRK ayaa heer waali ah gaaray sidoo kalena Super Star weyn noqday.

Shahrukh Khan sedex Hits oo waa weyn ayuu la yimid filimkii ugu weynaa sanadii 1995 sidoo kalena All Time Blockbuster-ka hirgalay Dilwale Dulhania Le Jayenge ayuu Hindiya ku qabsaday si la mid ah Karan Arjun oo Blockbuster ah iyo Ram Jaane oo Hit ah ayuu awoodiisa ku gaarsiiyay marxalad aan loo dhawaan karin.

Govinda guushiisa joogto ayay noqotay wuxuuna 1995 la yimid filimkii Super Hit-ka weyn noqday Colie No.1 isagana suuqa safka hore ayuu ka galay.

Akshay Kumar booskiisa 3-aad fanka ayuu xajistay asigoo Hit-ka kale oo weyn la yimid Sabse Bada Khiladi waxaana gadaashiisa yaaleen in 12-bilood ka hor 5-filim Hit noqdeen uu la yimid.

Salman Khan iyo Aamir Khan wey soo laba kacleeyeen madaama ay la imaadeen labo filim oo Blockbuster noqdeen Karan Arjun iyo Rangeela.

Sunny Deol waa dagay madaama 1994 wax Hit ah sameynin si la mid ahna sanadii 1995 wax Hit ah ma sameynin ama guul ma arkin marka labo sano oo mugdi ah ayaa soo martay.

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1996 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1993 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1994 Fadlan RIIX HALKAAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *