Home » Box Office » Star Power-kii Bilawgii Qarnigaan: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 2000 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Star Power-kii Bilawgii Qarnigaan: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 2000 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Hordhac:

Waxaan soo idleenay ka hadlida 10-kii sano (1990 ilaa 1999) Star Power-ka ay lahaan jireen atirishooyinka Bollywood-ka ayadoo aan sanad sanad kaga soo hadalnay kadibna aan kusoo gaba gabeenay maqaal aan kusoo bandhigtay sida atirishooyinka u kala awood badnaayeen.

Haddaba waxaan amba qaadi doonaa bilawgii qarnigaan iyo 10-kii sano ee ugu horeesay (2000 ilaa 2009) sida awooda atirishooyinka Bollywood-ka ahayd iyo sanad walbo sedexda hogaanka fanka u heesay.

Sanadii 2000 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Karisma Kapoor: Filimadii guulaha waa weyn u gaareen sanadii 2000 waxaa ka mid ahaayeen Dulhan Hum Le Jayenge, Fiza dhibcaha ay heesatay awood ahaan 615-dhibcood.

2. Kajol: filim weyn oo HIT dhameestiran noqday ma aysan la imaanin sanadii 2000, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 575-dhibcood.

3. Aishwarya Rai: xidigtaan filimadii BIG HITS u noqdeen sanadii 2000 waxay kala ahaayeen Mohabbatein,  Hamara Dil Aapke Paas Hai, dhibcaha ay heesatay awood ahaan 570-dhibcood.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 2000:

Karisma Kapoor wax gaabis ah ma aysan sameynin markii qarniga cusub laga guda galay weliba atirishada sanadka ayay qaadatay sanadii 2000 sidoo kalena filimada Dulhan Hum Le Jayenge, Fizaayay awoodeeda sare ugu sii qaaday.

Kajol sanadii 2000 filim HIT dhameestiran noqday ama u guuleestay ma aysan la imaanin taasina waxay sababtay in dhibcaheeda hoos u dhacaan sidoo kalena Aishwarya Rai awood ahaan aad ugu soo dhawaatay kaliya 5-dhibcood farqi ah ayaa u dhaxeeyay.

Aishwarya Rai qarni cusub iyo guulo cusub waxayna sanadii 2000 Bollywood-ka ku qabsatay filimada Mohabbatein, Hamara Dil Aapke Paas Hai sidoo kalena Star Power-keeda dhibcaha sare u qaadeen kuna dhawaatay inay booska labaad Kajol kala baxdo.

Preity Zinta xidig weyn ayay noqotay oo aqoonsi lixaad leh ku heshay filimkeedii Super HIT-ka noqday Kya Kehna waxayna ku jirtay kaalinta 4-aad awood ahaan ayadoo heesatay 550-dhibcood.

Rani Mukerji filimkii Badal ayaa HIT u noqday xidigtaan kana caawiyay dhibcaheeda inay kobciso ayadoo heesatay 545-dhibcood awood ahaana sidaas kagama aysan fogeyn atirishooyinkii ka sareeyeen dhanka Star Power-ka.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 2001 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas.

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1990 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1991 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1992 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1993 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1994 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1995 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1996 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1997 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1998 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1999 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii aan awooda atirishooyinka 19990 ilaa 1999 kusoo gaba gabeenay fadlan RIIX HALKAAN