Home » Box Office » Star Ranking: Kala sareynta awooda atoorayaasha oo BOI soo daabacday iyo Salman oo aan loo dhawaan karin

Star Ranking: Kala sareynta awooda atoorayaasha oo BOI soo daabacday iyo Salman oo aan loo dhawaan karin

Hordhac:

Filimka Race 3 ayaa Jimcadaan (15 June 2018) tiyaatarada la saarayaa taasina waxay sii adkeyn doontaa awooda uu Mega Star Salman Khan Bollywood-ka ku heesto xiligaan.

Shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday maqaal ay kaga hadleyso Star Power-ka ama awooda xidigaha Bollywood-ka xiligaan halka ay kala taagan taagan tahay ama mareyso ayadoo Salman Khan berito Boxoffice-ka qabsan doono.

Race 3 wuxuu soo baxayaa lix bilood kadib markii Tiger Zinda Hai uu Blockbuster weyn noqday sidoo kalena waxaa la rajeynaa in Race 3 sidii uu TZH u gadmay fagta hore inuu isagana Boxoffice-ka u qaban doono.

Aamir Khan oo ah midka ugu dhow ee awood ahaan Salman Khan gudaha Hindiya la tartami karo filimkiisa xiga wuxuu soo bixi doonaa 18-bilood ilaa 24-bilood markii la daawaday midkiisii ugu dambeeyay.

Shah Rukh Khan oo isagana fagta hore filimada si waali ah u gadi karo markaan waqti ahaan filimadiisa wey kala fog yihiin marka loo eego midkii ugu dambeeyay Jab Harry Met Sejal iyo Zero in waqti ahaan sanad iyo afar bilood u dhaxeyso daawashadooda.

Sidaa darteed Salman Khan awood ahaan looma dhawaan karo asigoo lixdii bilood kasto filim weyn la imaanayo halka labada Khan kale midna mudo iska maqan yahay midka kalena hoos u dhac joogto ah heesto asigoo sameeyo aflaan aysan taageerayaashiisa ka heleyn.

Salman Khan sedex laab ayuu awooda Star Power-ka fagta hore wax lagu gadi karo ka sareeyaa Aamir Khan marka uu Tiger Zinda Hai soo baxay haddana Race 3 marka uu fagta hore Boxoffice-ka gil gilo afar laab ayuu awooda dhibcaha ka sareyn doonaa midka ugu soo dhow oo ah Aamir Khan!

Fadlan hoos kaga bogo kala sareynta awooda atoorayaasha Bollywood-ka xiligaan wax gadi karaan (Star Power) oo lagu saleeyay fagta hore sida filimada loo gadi karo dhibcaha lagu helo sidoo kalena xogtaan waxay ku xeen daaban tahay Tiger Zinda Hai markii uu tiyaatarada ka dagay:

1. Salman Khan: 2706-dhibcood

2. Aamir Khan: 900-dhibcood

3. Akshay Kumar: 735-dhibcood

4.Shahrukh Khan: 717-dhibcood

5. Varun Dhawan: 530-dhibcood

6. Ajay Devgn: 223-dhibcood

7. Ranveer Singh: – 11-dhibcood

8. Ranbir Kapoor: – 247-dhibcood

9. Hrithik Roshan: -250-dhibcood

Akshay Kumar ayaa Star Power-ka fagta hore filimada lagu gado kaalinta sedexaad soo gaaray kadib markii filimkiisii Toilet Ek Prem Katha uu August sanadkii hore si heer sare ah u gadmay.

Shah Rukh Khan ayaa markii ugu horeesay mudo mudo 24-sano kadib ka baxay ama hoos kaga dhacay sedexda atoore ee ugu awood badan fagta hore gadista filimada waana arin aad loola yaabay waxaana ugu wacan fadhilka joogtada ah ee filimadiisa ku habsanayeen haba ugu dambeeyo Jab Harry Met Sejal oo la daawaday August sanadkii hore!

Maxaa Is Badali Doono Haddii Star Power-ka Lagu Saleeyo Filimada Boxoffice-ka Sida Ay Guul Kaga Gaaraan:

Star Power-ka sare ee awooda fagta hore filimada atoorayaasha ku gadi karaan waxay ku saleesan tahay sida atooraha fagta hore filimada u gadi karo awood ahaan sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Balse marka xaalada guud la eego oo lagu saleeyo sida atooraha filimkiisa guul u gaari karo ama u guul dareesan karo waxaa soo galeyso dooda ah dooqa filimada waxaana markaas hoos u dhacayaan Hrithik Roshan iyo Ranbir Kapoor oo dhawaanahan dooqooda filimada aad u xumaa guuldarooyina la kulmayeen halka Tiger Shroff uu goobta soo galaayo weliba asigoo safka hore tagaayo.

Bishii May 2018 marka la joogay Boxoffice India waxay cadeesay in awooda fanka Hindiya si waali ah isku badashay kadib Tiger Shroff iyo filimkiisa Baaghi 2 sida uu wax walbo u badalay fagta hore iyo guul ahaan.

Sidaa darteed hoos kaga bogo 10-ka atoore ee dhanka guulaha filimada la gaarsiiyo ugu awooda badan (Boxoffice Numbers) markaan awooda laguma saleynin sida fagta hore wax loo gadi karo (Star Power):

1. Salman Khan

2. Aamir Khan

3. Shahrukh Khan

4. Akshay Kumar

5. Hrithik Roshan

6. Tiger Shroff

7. Ranbir Kapoor

8. Varun Dhawan

9. Ajay Devgn

10. Ranveer Singh

Xogta sare waxaa kaaga soo baxeyso in Hrithik Roshan kaalinta 5-aad gaarayo marka Boxoffice Number ama Big Hits sida loo sameyn karo lagu saleeyo awooda sidoo kalena Tiger isagana safka hore ayuu tagaa.

Halka Ajay Devgn gadaal u dhacaayo madaama Big Hits ahaan uusan ku awood ahayn Hrithi Roshan sidoo kalena SRK booskiisa sedexaad ayuu kusoo laabanaa madaama uu Big Hits badan yahay Akshay.

Waxaan fahanay inay muhiim yihiin labada dhinac in atooraha iska dhiso fagta hore gadista filimada (Star Power) iyo guul gaarsiinta filimada in Big Hits laga dhigo (Boxoffice Numbers).

Gunaanad,

Waa Ku Mahad Santahay Aqriskaaga.

One Response to Star Ranking: Kala sareynta awooda atoorayaasha oo BOI soo daabacday iyo Salman oo aan loo dhawaan karin

  1. Faqay muqdisho Reply

    June 14, 2018 at 8:01 pm

    Sxb zakariye cabdi aad ayaa u mahadsantahay sida aad noogu kala dhigtay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *