Home » Box Office » Stree oo 100 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal mudo 10-maalmood ah kaga talaabsaday!

Stree oo 100 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal mudo 10-maalmood ah kaga talaabsaday!

Inaba caadi ma ahan filimka Stree mudo 10-maalmood ayuu ganacsigiisa dibad iyo dal 100 Crore ku dhaafay wuxuuna ka sare maray filimka Satyameve Jayate ganacsigiisa dibad iyo dal oo 110 Crore ku istaagayo halka Stree haatan 117 Crore soo xareeyay mudo 10-maalmood ah.

Stree oo ay Rajkumar Rao iyo Shraddha Kapoor wada jilayaan waxaa muuqtao 150 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray inuu dhaafi doono xitaa waa macquul 175 Crore inuu gaaro isku darkiisa waana arin aan marnaba laga filaneyn filimkan iska yar.

Waxaa la yaab ah Stree inuu ganacsiga dibad iyo dal marka la isku daro uu dhaafi doono filimada Pad Man, Raid, Veere Di Wedding, Sonu Ki Tito Ki Sweety iyo Gold waa marka uu tiyaatarada ka dagaayo asigoo noqon doono filimka 6-aad ee 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Fadlan hoos kaga bogo 12-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen ganacsigooda dibad iyo dal la isku daray sanadkan 2018 waxaana hogaanka siweyn u haayo filimka Sanju:

1. Sanju – 582 crore

2. Padmaavat – 546 crore

3. Race 3 – 306 crore

4. Baaghi 2 – 249 crore

5. Raazi – 192 crore

6. Gold – 152 crore (weli wuu socdaa)

7. Sonu Ke Titu Ki Sweety – 149 crore

8. Raid – 145 crore

9. Veere Di Wedding – 134 crore

10. Pad Man – 124 crore

11. Stree – 117 crore (10-maalmood welina wuu socdaa)

12. Satyamev Jayate – 108.50 crore (weli wuu socdaa)

Sida sare ka muuqato Sanju iyo Padmaavat kaliya ayaa 500 Crore iyo ka badan ganacsi ahaan soo xareeyeen dibad iyo dal marka la isugu daro, halka Race 3 uu darajada 300 Crore gaaray ganacsigiisa inkastoo sheekadiisa dadka iska diideen.

Baaghi 2 isagana darajada 200 Crore ayuu gaaray ganacsigiisa dibad iyo dal marka la isku daro halka Raazi isagana dadaalay oo uu 200 Crore ka gaabiyay 8 Crore oo kaliya.

Balse Gold ayaa ganacsi ahaan gaabis ka muuqdaa madaama 155 Crore uusan dhaafi karin sababtana waxay tahay asigoo xili fasax ah la daawaday in ganacsigiisa suuqyada caalamka noqday midka iska dhex dhexaad ah.