Filimka Street Dancer 3 oo ah qeybtii 3aad ee taxanaha ABCD ayaa ganacsi liito todobaadkiisa koowaad keenay kadib markii uu soo xareeyay 52.50 crore.

Hasey yeeshee filimkaan ayaa todobaadkiisii labaad dhulka galay asigoo markii horaba liitay ayuu hadana todobaadkiisii labaad sadaxda maalin ugu horeyso keenay ganacsi burbur ah wuxuuna soo xareeyay 7.25 crore wuxuuna sameeyay 80% hoos u dhac ah markii lala barbardhigo sadaxda maalin ugu horeyso todobaadkiisa koowaad.

Filimkaan haatan wadarta guud ee ganacsigiisa wuxuu marayaa 61 crore sida muuqatana filimkaan todobaadkiisa labaad qiyaas ahaan wuxuu keeni doonaa 10 crore cimri ahaantiisana wuxuu u dhaxeyn doonaa 65 crore ilaa 70 crore

Halkaan hoose kaga bogo Street Dancer iyo ganacsiga uu soo xareeyay mudo 10 maalmood ah.

Week1; 52.50 crore.

Jimce; 1.50 crore.

Sabti; 2.50 crore.

Axad; 3.25 crore.

Wadarta guud; 61.25 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here