Stylish Star Allu Arjun wuu soo laabtay markaana wuxuu diyaar u yahay tiyaatarada Koonfur Hindiya inuu qabsado madaama filimkiisa Ala Vaikunthapurramuloo goos goos heer sare ah laga soo bandhigay weliba mashruucan waa mid Superstar-kan kusoo laabanayo madaama sanadkii hore 2019 wax filim ah masraxa loo saarin.

Filimka Ala Vaikunthapurramuloo Allu Arjun waxaa ku wehliyaan Pooja Hedge, Tabu, Nivetha Pethuraj, Rajendra Prasad, Jayaram, Samuthirakani, Sushanth, Vennela Kishore, Sunil, Navdeep, Brahmaji, Murali Sharma, Rahul Ramakrishna, Harsha Vardhan, Sachin Khedekar waa filim fariintiisa arimaha qoyska ka hadleyso sidaas ayaa jilaayaasha loogu soo badiyay ayagoo doorar muhiim ah ku leh.

Director Trivikram Srinivas wuxuu saxaafada ka hor sheegay in filimk AV taageerayaasha Allu Arjun siweyn kaga heli doonaan doorkiisa dheeli tiran sidoo kalena mudadii ay sugaayeen filim lagu hilmaami yahay mashruucan xiisaha badan oo tiyaatarada la saari doono 12-ka bishan Janaayo waana filim lagu kalsoon yahay ganacsi weyn inuu sameyn doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Ala Vaikunthapurramuloo ee Stylish Star Allu Arjun siweyn ugu xarakeeyay dhan walbo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here