Stylish Allu Arjun wuxuu kamid yahay jilayaasha ugu awooda badan looguna jecelyahay koonfurta India asigoona axadii hore tiyaatarka loo saaray filimka Ala Vaikunthapurramuloo.

Filimka Ala Vaikunthapurramuloo waxaa Allu Arjun la jilaayo Pooja Hegde, Sushanth, Jayaram, Tabu iyo Nivetha Pethuraj waxaana Directed ka ah Trivikram Srinivas.

Filimkaan ayaa maalintii shalay aheyd soo xareeyay 12 crore gudaha India wuxuuna ganacsigiisa lamidyahay midkii uu maalintii sabtida aheyd keenay inkastoo waxyar hoos u dhacay maadaama sabtidii keenay 12.50 crore.

Ala Vaikunthapurramuloo haatan mudo 8 maalmood wuxuu marayaa 139 crore halka isku darka gudaha India iyo daafaha caalamkana maraayo 188 crore waana ganacsi heer sare ah.

Ganacsiga filimkaan ee isku darka gudaha India iyo daafaha caalamka waxay ka simanyihiin filimka Sarileru Neekevvaru oo uu hogaaminayo Suldaan Mahesh Babu kaasoo asna mudo 9 maalmood ku keenay 188 crore.

Waxaa xusid mudan in ganacsiga filimkaan laga jaray 6 crore maadaama shalay lasoo daabacay 133 crore in mudo 7 maalmood ku keenay balse dib u sixid la sameeyay waxaa cadaatay in todobaadkiisa koowaad kenay 127 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here