Labada jilaa ee magaca iyo maamuuska kuleh fanka Telagu ee Stylish Allu Arjun iyo Suldaan Mahesh Babu waxaan todobaadkaan Box Officeka gaar ahaan Telagu ku dhex maray dagaal aad u culus kadib markii siwadajir filimadooda halmar tiyaatarka loo saaray.

Suldaan Mahesh Babu oo ku hubeysan filimkiisa Sarileru Neekevvaru ayaa sabtidii hore 11dii bishaan la saaray tiyaatarka waxaana maalin kadib asna tiyaatarka filim loo saaray Allu Arjun oo asna ku hubeysnaa filimka Ala Vaikunthapurramuloo.

Balse kadib markii mudo todobaad kasoo wareegatay inkastoo waliba uu filimka Suldan Mahesh Babu hal maalin dheeryahay filimka Allu Arjun hadana waxaa durba wareegii koowaad guusha helay Allu Arjun kadib markii filimkiisa mudo 7 maalmood ku keenay 133.10 crore.

Taas badalkeeda filimka Suldan Mahesh Babu oo mudo 8 maalmood tiyaatarka saaran wali lacagahaas ma uusan soo xareynin asigoo haatan ganacsigiisa mudo 8 maalmood maraayo 131.90 crore waxaana muuqato in durba Suldanka wareegii koowaad la garaacay.

Sababta ayaa waxay tahay in filimka Suldaan Mahesh Babu uu heysto maalin dheeri ah maadaama 8 maalmood tiyaatarka saaranyahay taas badalkeeda filimka Stylish Allu Arjun kaliya 7 maalmood ayuu tiyaatarka saaranyahay.

Faanoole fari kama qodna waayo Box Officeka waxkasta ayaa ka dhici karaan sidaas owgeed waxaa macquul ah in maalmaha soo socdo waxkasta is badalaan balse sida muuqato wareega koowaad waxaa awood badiyay Allu Arjun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here