Su’aal BOI la weydiiyay kuna aadan Salman ma Hum Aapke Hain Koun mise Dabangg ayuu awood ku yeeshay?

Inta badan shabakada Boxoffice India (BOI) marka ay ka hadleyso Mega Star Salman Khan awooda uu maanta Boxoffice-ka ku leeyahay waxay ku xeen daabtaa inay kasoo bilaabatay sanadii 2010 gaar ahaan markii uu Dabangg sameeyay.

Balse qaar ka mid ah taageerayaasha Salman Khan aragtidaas ma qabaan waxayna aaminsan yihiin Sallu inuu xidig weyn noqday 24-sano ka hor markii uu Hum Aapke Hain Koun sameeyay.

Haddaba shabakada BOI waxaa la weydiiyay su’aasha dooda wadato oo ah Hum Aapke Hain Koun Vs Dabangg midkee Salman Khan Awood Ku Yeeshay?

Jawaabta BOI Ay Bixisay: Waxaa jiraan xidigo badan oo fanka awood ku leh laguna tixgaliyo guulaha ay gaareen balse kuwo yar ayaa noqdeen Superstars Boxoffice-ka si awood badan ku qabsadaan kuna raaxeestaan hogaankooda.

Muhiim ma ahan in filim HIT weyn noqdo balse waxaa muhiim ah filimka HIT-ka weyn noqday saameynta uu atooraha ku leeyahay iyo shacbiyada uu ka dhaxli karo.

Waa sax Hum Aapke Hain Koun in badan wuxuu HIT ahaan ka weyn yahay filimka Dabangg mana la isku qaban karo ganacsiga ay sameeyeen madaama HAHK uu All Time Blockbuster yahay ilaa haatana waa filimka ugu weyn Hindiya sameeyaan 25-sano ugu dambeesay halka Dabangg uu yahay Blockbuster oo kaliya.

Lakiin Salman Khan Dabangg wuxuu ka dhaxlay shacbiyad waali ah iyo saameyn aa dhamaad laheyn waayo filimkan isaga ayaa ku xarakeeyay 100% isagana ayaa gaday waana sababta keentay inuu sumcad balaaran Dabangg ka dhexlay kadibna filimada Bodyguard iyo Ek Tha Tiger ayuu awoodiisa cirka kusii galiyay ilaa maantadana cid la tartami karto malahan.

Salman Khan shacbiyada iyo aqoonsiga uu Dabangg ku helay waxaa la mid ah midii Shah Rukh Khan uu Dilwale Dulhania Le Jayenge ka dhexlay iyo middii Sunny Deol ka dhaxlay sameyntii Ghayal.

Kadibna waxaa dhacday in SRK iyo Sunny Deol awoodooda sii xajisteen lana imaadeen aflaan kale oo BIg Hits ah sidoo kalena iyaga 100% sabab u ahaayeen inay gadmaan.

Atoore wuu sameyn karaa HIT-ka ugu weyn laakiin waxaa la iska rabaa filimkaas HIT-ka weyn noqday saameyn intee la eg ayuu atooraha ku leeyahay gadistiisa iyo kadib inuu kasii dhaxlo shacbiyad aan dhamaad laheyn iyo sameynta aflaan sumcadiisa dhanka Boxoffice-ka sii xajiyaan.

100-kii sano ee ugu dambeesay atoorayaal badan ayaa sameeyeen aflaan BIG HIT noqdeen laakiin kama aysan caawinin inay noqdaan Superstars dadka qalbiyadooda qabsadaan waayo taariikhda fanka Hindiya oo dhan 7 ilaa 8-atoore ayaa noqdeen Boxoffice Stars ama xidigo dhanka Boxoffice-ka awoodooda aysan dhamaanin in mudo ah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*