Shah rukh khan heerka uu maanta taagan yahay waa mid uu awoodiisa iyo shaqadiisa adag ay gaarsiiyay madaama marka uu fanka soo galaayay uusan haysanin aabe awood fanka lu leh

isagoo delhi kaga soo tagay qiimo dhan Rs 20 rupes si uu riyadiisa u rumeeyo waxa uu yimid magaalada mumbai midaaso kusoo arkay dhibaato badan

waxaana maanta gaaray heer weyn waana sababta Shah rukh khan uu Salman khan kaga naxriis badan yahay marka ay timaato in wax la baxsado Shah rukh khan ayaa lagu tilmaama shaqsiyaadka ugu caansan dunida ee sadaqada ugu badan bixiya

iyadoo hay’ada ay Shah rukh khan siisay abaal-Marin ah shaqsiga ugu badan ee bixiya lacagaha caawinaadaa isagoo uusan lahayn aktarkan hay’ad gooni ah taaso caawisa dadka dhibaataysan

laakiin Salman khan waxa uu leeyahay hay’ad lagu magacaabo being human laakiin salman khan hay’adiisa waxaa lacag looga soo diraa dunida dacaladeeda waxaana lacagtaas marka ay soo gaarto ayuu qaybiyaa

haddii si kale waxaa la yiraahdaa waxa uu hay’adaas ku xayeesiistaa shirkadiisa dharka ee being human

laakiin sida dhabta waxaa la sheegay Shah rukh khan inuu yahay shaqsiga ugu horeeya ee bixiya Lacagaha sadaqada ah isagoo si dhaksi leh u caawiya dadka marka ay timaado daadad ama duufaan isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadkii sida weyn u caawiyay dadkii daadadka ku habsaday ee magaalada karela

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here