Deepika Padukone barnaamijka Kapil Sharma ayee booqatay bishii Janaayo ee aan soo dhaafnay xili ay Chhapaak xayeysiin u sameyneysay hadaba Kapil Sharma oo ah shactiroole weyn jilaa walba oo barnaamijkiisa imaada waa qasab inuu ka qosliyo.

Suaalo shactiro ah ayuu Deepika u diyaarsaday markee imaatay ayuuna weydiiyay xidigtaan ayaa qaarkood si daacad ah oga jawaabtay qaar kalena wax kama jiraan ayee ku tilmaamtay balse qosolka ayaa ka dhamaaday se u qosleysay iyo sida uu Kapik u foodeynaayey.

Hoos kaga bogo suaalahan oo xadidan Kapil Sharma qofkii u tago qosol wuu ka dhargaa:

Kapil: Deepika waxaan maqalnay adiga iyo Ranver inaa isku Size tihin dhanka kabaha aad xirataan labis ahaan maxaa kajira?

Deepika: Haa waa run isku Size ayaa nahay balse aniga kabahiisa ma xirto isagana kuweyga ma xirto oo kala gooni ayaa nahay.

Kapil: waxaan kaloo maqalnay in habeenkii uu Ranver rafto markaa sariirta hurudiin misane uu quuro ama qeylo kugu dilo maxaa kajiro mararka qaar sariirta ayaad oga guurta ma runbaa?

Deepika oo qosleysa: waa been waxaas ma jiraan ee Kapil waxaan u maleyna suaashan adiga sameysatay balse mid aan kusheego subaxii aniga hurdada kasoo hor kaco Ranver sababtana waa in isaga habeenkii xili dambe seexdo.

Kapil: ma runbaa inaad jeceshahay baran barada oo aad gurigaada meel gooni ah aad ku xanaaneyso?

Deepika oo naxday: yaah maxaad tiri! Kapil maxay kula tahay inaan Baran baro jeclahaa?

Kapil: aniga Kapil ah waan necbahay balse waa ballan hadas adiga ina jeceshahay baran barano ogaado ana waan jeclaana hada kadib.

Deepika oo qosleysa: Kapil ma waxay kula tahay inaan baran baro jeclahay iisheeg waliba adigo aqoon buuxda iileh dhanwalba?

Kapil: waan ku aqaan laakiin si weyn kuuguma dhowi waayo waxaan kaa haray markii aad iga aroostay Ranver Singh ilaa hadana waan kuu careysnahay(dadkii martida iyo Deepika ayaa halmar wada qosleen).

Kapil: Ok Deepika suaashas kasoo gudub waxaan ku weydiinaa kafee iyo Shaah kariyow ma garaneysid miyas waxaa maqalnay inaadan aqoonin oo shaqaalaha ka adeejiso si ay Ranver ugu sameyaan?

Deepika: suaalahan adiga miyaa soo diyaarisay mise dsd weynaha ayaa wataan waan kaa shakiyay Kapil waxba iima reebanosid aniga miyaa Shaah iyo Kafee sida loo sameeyo aqoonin?

Kapil: Fadlan Ranveer ha iisheegin haduu maqlo waad ogtahay waxu sameynaayo anina murqaheyga ma dhisno sida kuwiisa oo kale (qosolka ka dhamaaday Deepika).

Kapil: ugu dambeyn Deepika 5 sano kahor hadii aan jaceyl kuuso bandhigan lahaa misane guur kaa dalban lahaa ma iga aqbali laheed anoo Kapil ah?

Deepika: 6 sano ilaa 7 sano kudhowaad ayaa laga joogaa xiligaa aniga iyo Ranver xiriir sameysanay sidee kaaga aqbali lahaa 5 sano kahor marka ileen isaga ayaaba qoftiisa ahaa xiligaase?

Suaalahaas iyo kuwa kale oo shactiro ah ayuu Kapik weydiiyay atiriishada caanka ah Deepika Padukone waliba si xor ah ayuu ula kaftamaayey waa xidig jilaa walba siduu rabo ula kaftamo waxaana xusid mudan in dhamaan jilayaasha isaga jecel yihiin kaftankiisana ka helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here