1-Maxay kala yihiin doorka weyn, saameeyn-qaab jiliin iyo saameyn-hadal heyn.?

Jawaabta: doorka weyn waa hogaamiyaha kowaad ee Filimka sida Sholay uu Dharmendra hogaamiye oga yahay oo kale. Saameyn-qaab jiliin waa habka jilaaga shaashada horteeda wacdaro oga dhigo doorkiisa ha weynaado ama ha yaraado tusaale Dil sidii Madhuri saameyn-qaab jiliin ugu garaacday Aamir oo kale.

Saameyn-hadal heyn waa doorka daawadayaasha buun buuniyeen ficil yar ayuuna jilaaga buun buunintaas ku heli karaa Tusaale doorkii Amitabh Bachchan ee Sholay sida uu hadal heyn oga helay dhamaadka Filimka lkn door weynaasho iyo saameyn-qaab jiliinba Dharam ayaa lahaa.

2-labo atoore ama labo atiriisho side isku level u noqon karaan maxaase lagu qiimeynaa.?

Jawaabta: Xirfadooda shaqo guulaha ay ka gaareen waa qodobka ugu muhiimsan ee isku Level ku noqon karaan hadee ka simanyihiin ama isku dhowyihiin. Mida labaad ee lagu cabiro waa saameynta-qaab jiliin ee ay shaashada kusoo bandhigeen iyo biladaha ay ku kasbadeen.

3-Haddii labo jilaa midna uu guulo badan yahay midna uu abaal marin badan yahay yaa dhahnaa kaasa qaab jiliin wacan ama level sareeyo.

Jawaabta: Waxaa Level sare ama maqaam sare leh midka guusha badan lkn qaab jiliinka waxaa loo fiirina doorarkooda saameyntiisa iyo abaal marinte ku kasbadeen.

Sababto ah marwalba jilaaga waxuu maqaam iyo level sare ku gaaraa waa guusha Filimadiisa taaso ka turjumeysa shaqada adag uu qabtay iyo miro dhalkeeda Tusaale Nana Patekar, Naseeruddin Shah, Irrfan Khan qaab jiliin biyo oo kale ayee u cabeen abaal marinada ugu caansana wey qaateen hadana Level iyo maqaam marka ladhaho waxaa ka sareyaan Amitabh, SRK, Aamir, Salman, Akshay.

Ogow Ragga dambe qaab jiliin kuma dhaafi karaan Ragga hore lkn waxay kudhaafeen waa guusha shaqadooda ay ka gaareen marka guusha Filimadaada waa Main point.

4-Abaal marinada shaqsiga midee ugu caansan mideese ugu sharaf badan.?

Jawaabta: mida ugu caansan waa Filimfare Awards (Shirkad) mida ugu sharafta badan ee jilaa walba ku riyoodana waa National Filim Awards (dowlad) marka hindiya la joogo.

Lasoco qeybta labaad suaalo xasaasi ayaa kujiraan sida jilaa qaab jiliin xun sidu guusha Filimka u tirsanaa, saameyn-qaab jiliin iyo tirada abaal marinada yaa muhiimsan iyo tusaalooyin cajiib ah habeen dambe Insha’Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here