Dad badan ayaa fahamsaneen qaabka Superstar lagu noqdo atoore iyo atiriishaba waxayna kuwa qaar ku qiimeyaan sida qaab jiliinka, abaal marinada iyo doorarka jilaaga filimada ka qaato hadaba suaal walbo kaa guuxeysay jawaabteeda waatan.

1-Sidee atiriishooyinka Superstar ku noqon karaan.?

Jawaabta:labo qaab mida kowaad 6-sano xariir ah ine kaalinta 1aad awoodaha kujirto ama 20-sano xariir ah inee atiriisho kowaad filimadeeda ka ahaato.?

2-Maxaa laga wadaa 6-sano xariiri ah ee awoodaha iyo 20-sano xariir ah ee hogaaminta Filimada.?

Jawaabta: 6-sano xariir ah waxaa laga wadaa waa atiriishada ugu dhibcaha badan mudadaas maadama atiriisho walbo filimadeeda guulaha waaweyn gaareen dhibco lagu siiyo loo aruuriyo marka tii ugu dhibcaha badned ayaa noqoneysa mida kaalinta 1aad gasho 6-sano. 20-sano waxaa laga wadaa inee taagnaato oo calankeeda dhicin aflaamtana atiriisho kowaad ka ahaato oo atiriisho caawiso isku bedelin hadana filimadaas waa inee guulo waaweyn gaaraan.

3-Kareena labadaas qaab midkee Superstar ku noqotay.?

Jawaabta: qaabka labaad ee ah inee 20-sano xariir ah (2000-2019) aflaamteeda ay atiriisho kowaad ka ahed intooda badan waana atiriishada kaliya abid qaabkan Superstar ku noqotay.

4-Maxaa cadeyn u ah inee 20-sano soo taagneed guulo waaweyna gaartay.?

Jawaabta: waa atiriishada ugu guulaha badan 20-sano lasoo dhaafay waxay sameysay 23-filim guulo waaweyn gaareen misane ay atiriisho kowaad ka ahed badankood filimadeeda udambeyeen sida Good Newwz iyo Veere Di Wedding waxay noqdeen Super Hit iyo Hit iyadoo da’da 40-sano lugta lasii galeyso. .

5-Maxaa udiidey Karisma, Kajol, Rani, Preity, Aishwarya inee Superstar noqdaan misane Kareena oo kadambeysay ku noqotay.

Jawaabta: sababto ah labada qaab ee atiriishada Superstar ku noqoto midna ma aysan buuxinin atiriishooyinkaas (6-sano hogaamin ah ama 20-sano shaqo ah) Karisma 1991 ayee soobaxday 2006 waa fariisatay waa 16 sano sido kale 6-sano xariir ahna kowaad ma noqon.

Kajol 1992 ayee ahed 2001 wey fariisatay hadana 2006 aye so noqotay marki dambena calankeeda dhacay 6-sano xariir ahna kowaad ma noqon Preity, Rani iyo Aishwarya lamid waaye 6-sano xariir ah kowaad ma aysan noqonin 20-sano xariir ahna ma shaqeynin oo calankooda waa dhacay.

6-Atiriisho 40-sano jir ah oo hadana filimada atiriisho kowaad ka noqoneysay horay ma udhacday.?

Jawaabta: maya Kareena kahor iyo kadib lama arag atiriisho 40-sano jirto ama kudhow oo awoodeeda taagan filimadeeda atiriisho kowaad ka noqoneysay hadana guulo waaweyn gaarayeen. 35-sano hadee gaaraan intooda badan calankooda wuu dhacaayey ama awood ma laheen ama atiriisho caawise isku bedelayeen.

7-Atiriishooyinka Superstar noqdeen Kareena kahor labada qaab midkee ku noqdeen.? Mumtaz 6-sano xariir ah ayee hindiya heysatay waliba 3-sano mucjiso ah ayaa soomartay iyada iyo Rajesh Khanna, Hema Malini 10-sano waa laqaban waayey sida atoore ookale (1973-1982). Sridevi 1984-1989 ayee kowaad ahed waa xeerka 6-sano sido kale Madhuri 1990-1995 aye kowaad ahed waana xeerka 6-sano.

8-Filimada 3 Idiots iyo Bajrang Bhaijaan doorarka Kareena waa kuwa la dhaliilo side atiriisho awood leh doorarkaas ujilee.?

Jawaabta: doorka atiriishada dhiriirkiisa iyo balaciisa waxaa ka muhiimsan labo qodob marka kowaad atiriisho kowaad maka tahay filimka marka labaadna suuqa awood maku leedahay oo dadka wajigooda filimka lagu iibinaayo makujirtaa.

Salman iyo Aamir guushaas ma gaarsiin laheen kaligood filimadaas hadeysan Kareena suuqa ka caawin ĺaheen sababto ah waxay ahed atiriishada ugu shacbiyada badan xiliyadaas min tuulo ilaa magaalo hindiya aflaamteeda laga daawado marka kasoo muuqashadeeda kaliya ayaa wax weyn ah sida aawged awooda atoorayaashaas+Kareena awoodeeda ayee suuq fiican ku heleen filimadaas caana ku noqdeen.

9-Midkee muhiimsan awooda suuqa jilaaga iyo doorka filimka uu ku leeyahay jilaaga cabir ahaan.?

Jawaabta: waxaa muhiimsan awooda uu suuqa ku leeyahay tusaale atoore awood leh iyo mid laga awood badan yahay oo filim isla jileen misane uu door weyn yahay kan laga sareeyo awood ahaan. Parinda(1989) Jackie Shroff ayaa kuleh filimka door ahaan balse Anil Kapoor wajigiisa lagu suuq geeyay xiligaasna Anil ayaa magaalka heestay.

Qahar (1997) Arman kohli filim ayuu ahaa halka Sunny iyo Sunil caawiyaal ahaayen balse awoododa ayee lagu suuq geeyay filimka. Baghban 2003 Amitabh Bachchan filim waaye balse awood uu ku iibiyo maleheen xiligaas waxuuna ubaahnaa Salman Khan ookale oo usuuq geeya wuuna helay sidaas ookale waaye atiriishooyinka.

Box-office-ka marka la joogo awooda atooraha ama atiriishada suuqa ku leedahay ayaa la fiirinaa doorka filimka ha yaraado ama ha badnaado marke hogaamiyaal yihiin. Kareena kiiskeeda waan isla fahamnaa filaa…

2 COMMENTS

  1. Dadka hindida wan ka yaabay wa somalido kle hormarka qofka way ka xumadaan kareena oo 40 jir ah ayay wali u muuqataa 20 jir door ahaan iyo muuqaal ahan hindi badan dhaliileesa arkay lkn tageeradeeda ka badan Because she is queen of Bollywood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here