Su’aasha 1-aad: Kadib markii Koi Mil Gaya Superhit weyn noqday Hrithik filimkiisa xiga Lakshya maxaa laga filan karaa?

Jawaabta BOI: Lakshya waa filim weyn balse miisaaniyada uu xambaarsan yahay 30 Crore ilaa 35 Crore iyo sidoo kale inuusan ahayn filim mada daalo dhameestiran leh waxay ka dhigan tahay inuusan Koi Mil Gaya oo kale noqon doonin.

Su’aasha 2-aad: Waxaad dhahdeen Dil To Pagal Hai ayaa ahaa 90-maadkii albumkii loogu iibsiga badnaa, balse shirkada Tips waxay sheegtay in Raja Hindustani 15 milyan copy laga iibsaday album kiisa?

Jawaabta BOI: Dil To Paagal Hai 20 milyan Copy ah ayaa cajaladihiisa dhageysiga laga suuq geeyay mana jiro filim la mid ah aflaantii 90-maadkii soo baxeen.

Su’aasha 3-aad: Sidee Dharmendra kowaad ugu jiri karaa awooda atoorayaasha sanadihii 1973, 1974 iyo 1975 madaama Amitabh Hindiya ku qabsaday filimkii Zanjeer 1973?

Jawaabta BOI: Waa sida ay saxaafada warka u dhigtay laakiin xaqiiqada sidaas ma ahan waayo Dharam sanadii 1973 6 Hit ayuu sameeyay oo labo ka mid ah Blockbuster ahaayeen laakiin saxaafada aktarkii guushiisa cusub tahay ayay buun buuniyaan waa sida hadda oo dhahday oo kale Hrithik wuxuu ka awood badan yahay SRK madaama uu Ka Hoo Na Pyaar Hai Hindiya ku qabsaday sanadii 2000.

Su’aasha 4-aad: Inta badan filimada Action ah maxaa loogu tilmaamaa kuwo guusha la saaxiib ah?

Jawaabta BOI: Waayo sababtoo ah bulsho weynta oo dhan ayaa daawaneyso xitaa haddii ay Flop noqdaan wey ka qasaaro yar yihiin filimada fariimaha jaceylka iyo shactirada xambaarsan. Sida guud filim Action ah oo heeso HIT ah wato waa hubaal inui si sahlan guul weyn ku gaarayo.

Su’aasha 5-aad: Imisa sano ayay qaadan doontaa filimka Gadar iskoorkiisa lacagaha 76 Crore in la dhaafo?

Jawaabta BOI: Si dhaqsi ah ayaa lagu jebin karaa waayo sanadka dambe 2004 waxaa la bilaabi doonaa nidaamka sida Digital ka ah cajaladaha lagu qeybin doono looma baahno in gobol walbo la geeyo cajaladaha oo gaadiid la qaato si sahlan cajaladaha oo digital ah ayaa gobol walbo loo diraa horeyna tiyaatarada laga saaraa ayagoo soft copy ah taasina waxay ka caawin doontaa in filimada 800 ilaa 1000 tiyaatar la saaro waxayna sahli doontaa in aflaanta ganacsi weyn sameeyaan sidaa darteed haddii filim daawadayaasha gobol walbo joogo ka helaan iskoorka Gaddar dhanka lacagaha si sahlan ayaa lagu gaari karaa.

Suaasha 6-aad: waa kuma Director-ka ugu wanaagsan sanadkaan (2003)?

Jawaabta BOI: Rakesh Roshan ayaa ah sanadkaan midka ugu wanaagsan maadama uu hindiya ku qabsaday filimkiisa Koi Mil Gaya.

Suaasha 7-aad: Waa kuwee xidigaha ugu awooda badnaa fanka hindiya taariikh ahaan?

Jawaabta BOI: Amitabh Bachchan, Dharmendra iyo Hema Malini ayaa taariikh ahaan fanka hindiya ugu awooda badan maadama xidignimadooda iyo awoodooda waqtiga ugu dheereed jirtay.

Su’aasha 8-aad: Koi Mil Gaya miyaa ah HIT-ka ugu weyn gobol walbo madaama Super Hit noqday?

Jawaabta BOI: Maya waayo Mumbai waxaa kaga weyn Hungama, halka Bihar ay kaga weyn yihiin Andaaz iyo Gangaajal laakiin dhamaan gobolada kale Koi Mil Gaya ayaa lacagaha ugu badan kasoo xareeyay.

Su’aasha 9-aad: Amitabh Bachchan filimkiisii Kala Patthar (1979) ma ahan miyaa HIT madaama ganacso weyn sameeyay?

Jawaabta BOI: Kala Patthar ma ahayn Hit ee wuxuu ahaa filim guuleestay oo gobolada qaar ganacsi wanaagsan ka sameeyay Semi Hit ayaa la dhihi karaa.

Su’aasha 10-aad: Filimkii Company ee Ajay iyo Vivek sameeyeen HIT ma gaaray?

Jawaabta BOI: Maya HIT ma ahan waayo Mumbai ayuu wanaagsan ka sameeyay halka gobolada kalen uu ganacsi dhex dhexaad ah ka sameeyay inta badana filimada Gangester-ka ah fariin ahaan Hindiya oo dhan kama wada gadmaan Mumbai ayay ku wanaagsan yihii.

Su’aasha 11-aad: Atooraha dalabkiisa ma waxaa sare u qaado filimka natiijada uu gaaro ama lacagta uu soo xareeyo canshuurta ka hor?

Jawaabta BOI: Jilaaga dalabkiisa waxaa sare u qaado filimka lacagta uu soo xareeyo canshuurta kahor sababto ah filim 10 Crore Hit ku noqday iyo filim 100 Crore Hit ku noqday iski qiimo ma ahan marka natiijada filimka waxaa ka muhiimsan lacagta uu keenayo cadadkeeda.

Suaasha 12-aad: Yaa awood badan waqtigaan (2003) Ajay Devgn iyo Akshay Kumar?

Jawaabta BOI: Ajay Devgn ayaa awood ahaan xoogaa sareeyo sababto ah labadoodaba halbeeg waxaa u ah in 20 Crore filimkoda keeno midna ma gaarsiin balse Ajay filimkiisa Qayamat ayaa si weyn ku furmay taasina waxay dhaxashay sanadkaan in Ajay awood bato.

Suaasha 13-aad: Hadii Filim lagu qarash gareeyo 20 Crore kooxda filimka iska lehna kaga iibsato mashruucooda 15 Crore kooxda cajaladaha qeybiyaan hadaba 10 crore ee soo hartay halkeey ka heli karaan?

Jawaabta BOI: Xuquuda Music-da iyo Album-ka heesaha ayee ka helayaan lacagta inta dhiman oo ay ku iibsanayaan.

Suaasha 14-aad: Salman min 20 daqiiqo ayuu ku leeyahay filimada kala ah Kuch Kuch Hota Hai iyo Baghban hadana Baghban liiska Salman filimadiisa Hit-ka ah ayuu kujira halka Kuch Kuch Hota Hai uusan kujirin sidee kudhacday?

Jawaabta BOI: Labada Filimba doorar xul ah oo caawin ah ayuu ku leeyahay balse Baghban doorkiisa waa lagu suuq geynaayey oo awoodiisa ayaa lagu iibiyay maadama Amitabh Bachchan Star Power leheen Salman ayaa Star Power leh oo filimka lagu gadaayey balse doorkiisa Kuch Kuch Hota Hai suuq geyn loogama baahna maadama xidigihii fanka ugu awooda badnaayen wada jilayeen kuwaaso kala ah SRK iyo Kajol.

Suaasha 15-aad: SRK maxaa u diiday sida Sunnh Deol oo kale filimadiisa min tuulo ilaa magaalo inee HIT ka noqdaan?

Jawaabta BOI: SRK filimadiisa fariintooda dadka reer magaalka ayaa loogu talo galay ee dabaqada sare usoo daawasho tagaan balse Sunny Deol filimadiisa waa Action min tuulo ilaa magaalo dadka kunool waa laga iibin karaa farqiga waa intaas.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here